Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda la dagaalanka AIDska Puntland ( PAC) oo Garowe ku qabatay kulan ku saabsan wacyi-gelinta bulshada ee halista cudurka AIDs-ka

Recommended Posts

Deeq A.   
Iyadoo shalay la xusay maalinta caalamiga ah ee cudurka AIDS-ka oo ku beegan 1 Dec sannadkasta, ayaa xalay magaalada Garoowe lagu qabtay kulan isugu jiray casho sharaf iyo ka wacyi-gelinta bulshada ee halista cudurkaan.
Munaasabad ballaaran oo ay ka soo qaybgaleen madaxweyne ku-xigeenka Puntland,guddoomiyaha Baarlamanka, xubno ka socday golaha wasiirada,madaxda hay’adda la-dagaallanka AIDS-ka Puntland ee PAC iyo marti sharaf kale,ayaa sidoo diiradda lagu saarayey sida loo yareyn karo takoorka ay la kulmaan dadka la’nool cudurka.
Maxamuud Warsame Maxamuud oo ku hadlayey afka dadka la nool cudurka ayaa sheegay in uu jiro faquuq iyo takoor ay kala kulmaan bulshada,isagoo tusaale u soo qaatay  in shaqadiisi uu waayey,kadib markii laga helay AIDS-ka.
Agaasimaha hay’adda la-dagaallanka AIDS-ka Puntland ee PAC Cabdulqaadir Maxamed Burburshe oo ka warbixiyey heerka cudurkaan ee guud ahaan degaannada Puntland ayaa soo bandhigay shaxan muujinaya in sannadba sannadka ka dambeeya uu siyaadayo cudurkaan.
Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi xaaji Cumar(Camey) oo kulanka soo xiray ayaa ku dhawaaqay in aan cid dambe shaqo looga cayrin doonin cudur ku dhacay awgiis,wuxuuna bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in ay joojiyaan takoorka lagu hayo dadka la’nool AIDS-ka.
Intii munaasabaddu socotay ayaa lagu soo bandhigay buug ka hadlaya dhibaatada ay la kulmaan dadka qaba cudurka HIV/AIDS,sidoo kale waxaa la magacaabay u heellanaha ka hortagga dhaleecaynta iyo faquuqa loo geysto dadka la nool cudurka.
IMG_3335-1.jpg IMG_3349-1.jpg IMG_3357-1.jpg IMG_3370-1.jpg IMG_3373-1.jpg IMG_3390-2.jpg IMG_3400-2.jpg IMG_3406-2.jpg IMG_3414-2.jpg IMG_3417-2.jpg IMG_9413.jpg IMG_9418.jpg IMG_9423.jpg IMG_9424.jpg IMG_9426.jpg IMG_9427.jpg IMG_9442.jpg IMG_9444.jpg IMG_9445.jpg IMG_9446.jpg IMG_9447.jpg IMG_9455.jpg IMG_9469-1.jpg IMG_9473-1.jpg IMG_9474-1.jpg
Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this