Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar Kamid ah Wasiirada Cusub ee Hir Shabelle oo is Casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiru dowlihii wasaarada arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle Yuusuf Cali Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii uu dhawaan u magacaabay madaxweynaha maamulkaas.

Yuusuf Cali ayaa ku macneeyay sababtuu isaga casilay xilkii loo mgacaabay in uusan ku qanacsaneen xilka wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha gudaha Hirshabeelle, islamarakaana icasiladiisa uu u gubdiyay madaxweynaha Maamulka Hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare.

Shalay oo jimco aheyd Taariikhdana ay ku beegneed 1/12/2017 waxaa iscasilay Muxsin Muxumed Sheekh Shafeec oo ahaa Wasiiru Dowlihii Amniga & Dhaqancelinta Hirshabelle kana tirsanaa xubnihii la soo magacaabay 29-kii bishii November ee sanadkaan.

29-kii  Bishii November ayaa waxa iscasilay Ismaaciil Maxamad Culusow oo ahaa wasiiru dowlaha cusub ee wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Hir-Shabeelle, kadib markii uu sheegay in aan laga tashanin.

Tan iyo Markii la magacaabay Golaha Wasiiradda maamulka Hir-shabelle waxa jirey cabashooyin kasoo yeeray qaar kamid ah beelaha daga Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

PUNTLAND POST

The post Qaar Kamid ah Wasiirada Cusub ee Hir Shabelle oo is Casilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this