Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Sidee ayaa Mukhtaar Roobow loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa garoonka Diyaradaha Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka degay diyaarad gaar ah oo siday Wadaadka Mukhtaar Roobow ‘’Abuu Mansuur’’.

Roobow ayaa waxaa safarka ku wehlinaayay mas’uuliyiin dhowr ah oo uu kamid ahaa  Wasiirkii hore ee Difaaca Somalia C/rashiid C/laahi Maxamed iyo Saraakiil Ciidan.

Roobow iyo mas’uuliyiinta wehlineysa ayaa ka hor inta aysan gaarin magaalada Baydhaba ka amba baxeen Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, waxaana intaa kadib loo galbiyay Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uu ku nagaan doono magaalada Baydhabo muddo ku eg asbuuc, iyadoo halkaa lagu dajin doono qaabka uu u dhici doono duulaanka ka dhanka ah al-Shabaabka ku dhaqan Koonfur Galbeed.

Abuu Mansuur ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo mar kale la kulmi doona Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirka Amniga Xasan Xuseen (Eelaay).

roobow-4.jpg?resize=696%2C392Roobow-1.jpg?resize=696%2C522Roobow-2-640x360.jpg?resize=640%2C360roobow-3-640x360.jpg?resize=640%2C360roobow-5-640x360.jpg?resize=640%2C360

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this