Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Madaxweyne Gaas oo dib ugu soo laabtay Puntland kana warbixiyey safarkiisi dibadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa manta 01 December 2017 dalka dib ugu soo laabtay, kana soo degey magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland, kadib safar shoqo oo ay ugu maqnaayeen dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa sheegay in safarka ay ku tageen dalka Ethiopia isaga iyo weftigiisu uu haa casumaad rasmi ah oo ay ka heleen Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, waxaana uu tilmaamay Madaxweynuhu in ay kawada haleen Madaxda dalkaasi arrimo la xidhiidha iskaashiga ganacsi, dhaqalaha,  amniga iyo sidii laysaga kaashan lahaa soo afjaridda cadawga tamarta yar ee kudhuumaalaysanaya dalka.

Halkaan ka daawo.

PUNTLAND POST

The post Daawo: Madaxweyne Gaas oo dib ugu soo laabtay Puntland kana warbixiyey safarkiisi dibadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this