Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar Khasaare geystay oo lagu qaaday kolonyo uu Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan la socday

Recommended Posts

Deeq A.   

CALI-JEYTE-.jpg?resize=825%2C464
Baladweyne (PP) ─
Xoogaga Al-Shabaab ayaa maanta Weeraray Gaadiid uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo marayay inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee Goolka Hiiraan.

Guddoomiyaha la weeraray ayaa kasoo ambabaxay Beledweyne isagoo kusii jeeday degmada Maxaas, iyadoo weerarkan uu yimid intii uu safarkisa kusii jiray , iyadoo la sheegay in guddoomiyuhu uu bad-qabo.

Ilaaladii guddoomiyaha iyo xoogaggii Al-shabaab ee weeraray ayaa waxaa dhex-maray dagaal culus oo muddo kooban socday, inkastoo la ogeyn inta uu le’eg yahay khasaaraha weerarkan ka dhashay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay afar ka mid ah xoogagii Al-shabaab ee weerarka geystay, tiro kale oo intaas ka badnana la dhaaway. Inkastoo aysan sheegin khasaare iyaga ka soo gaartay weerarka.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa iyaduna dhankeeda sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid dhabo-gal ah, ayna ku dileen saddex ka mid ah Askartii ilaalada u ahayd guddoomiyaha gobolka Hiiraa, tiro kalena ay dhaawaceen.

Ugu dambeyn, Kooxda Al-shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay weerarro ka waday deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyagoo dhawr maalmood ka hor weerar ku qaaday deegaan u dhaw degmada Beledweyne, kaasoo khasaare geystay.

PUNTLAND POST

The post Weerar Khasaare geystay oo lagu qaaday kolonyo uu Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan la socday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this