Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka K/koonfureed oo ansixiyey in la ballaariyo ciidamada ka jooga Xeebaha Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Baarlamanka Kuuriyada Koonfureed ayaa Jimcaha Maanta ansixiyey in ballaarin lagu sameeyo muddo hal sano ah ciidamada dalkaas ee ku sugan waddamada Lebanon,South Sudan,Imaaraadka Carabta iyo xeebaha Soomaaliya.

Laba kamid ah hindisayaasha uu ansixiyey Baarlamanka ayaa ogolaanaya in la ballaariyo ciidamada K/kuuriya ee ku sugan Lebanon iyo South Sudan,kuwaasoo qayb ka aha hawl galka Qaramada Midoobay ee dalalkaas.

Hindisayaasha kale ee uu anxisiyey ayaa ogolaanaya in la siyaadiyo ciidamada K/Koonfureed ee ku sugan Imaaraadka Carabta iyo kuwa la-dagaallanka burcad-beedda ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

30 Nov ee sannadkii tegay K/koonfureed waxaa Imaaraadka ka joogay ciidamo gaaraya 329 askari,halka South Sudan ay ka joogeen 293 askari,sida ay sheegtay Wasaaradda difaaca dalkaasi sannadkii 2016.

Xeebaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ka jooga 302 askari,iyadoo Imaaradaka Carabtana ay ku sugan yihiin 146 askari. Tirada guud ee cadamada K/Koonfureed ka jooga caalamka ayaa gaaraysa 1,100 askari oo ku kala sugan 13 dal.

http://english.yonhapnews.co.kr

PUNTLAND POST

 

The post Baarlamanka K/koonfureed oo ansixiyey in la ballaariyo ciidamada ka jooga Xeebaha Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this