Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar culus oo lagu qaaday G/Gobolka Hiiraan & Mas’uuliyiin kale oo xilal hayay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday Gawaari uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiyaha ayaa ka soo amba baxay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa uu ku sii jeeday degmada Maxaas, halkaasi oo howlo shaqo uu ugu socday.

Mas’uuliyiinta wehlineysay Guddoomiyaha ayaa waxaa kamid ahaa Xeerilaaliayaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Hiiraan Maxamed C/qaadir Maxamed.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inay iska difaaceen maleeshiyaadkii wadada u galay, isla markaana ay u geysteen jab xoogan, sida uu hadalka u dhigay.

Khasaaraha ay gaarsiiyeen al-Shabaabka ayuu ku sheegay 4 dhimasho ah, halka 11 kalane ay ka dhaawaceen.

Weerarka ayaa kusoo beegmaaya xili waayadan ay maleeshiyaadka al-Shabaab dhaqdhaqaaq kawadeen qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale, weerarkaan ayaa noqonaaya kii ugu xooganaa ee uu la kulmo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this