Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday meel ku dhow xarunta uu degan yahay Mukhtaar Roobow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday deegaano hoostaga degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Weerarka oo dhinacyo badan laga soo qaaday ayaa waxa uu xoogiisa ka dhacay deegaanka Gubad Galoole oo u dhow degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Weerarka ayaa ku bilowday Hoobiyayaal iyo Hubka culus waxaana xigay dagaal fool-ka-fool ah oo dhexmaray ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka weerarka qaaday.

Ujeedka weerarka ayaa ahaa in maleeshiyaadka al-Shabaab ay dagaalka kula wareegan deegaanka Gubad Galoole oo u dhow degmada xudur, balse waxaa ka hor istaagay ciidamada oo iska difacay.

Deegaan ku dhow Gubad Galoole ee la weeraray ayaa waxaa ku sugan Horjooge ku-xigeenkii hore ee al-Shabaab Mukhtaar Roobow ‘’Abuu Mansuur’’ oo dhawaan usoo goostay dhanka dowlada.

Qorshaha weerarka ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa in maleeshiyada ay marka hore la wareegto deegaanka Gubad Galoole, isla markaana ay kusii siqaab dhufeysyada ay ku jiraan ciidamada difaaca u ah wadaadka Mukhtaar Roobow oo hadda safar ku jooga degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Mukhtaar Roobow ayaa qeyb ka ah shaqsiyaadka hogaamin doona dagaalka ay dowlada Federaalka ah ee Somalia ku qaadi doonto Gobolka Shabellaha Hoose.

Geesta kale, Gobolada Baay iyo Bakool ee deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa laga dareemayaa guluf dagaal oo ay wadaan ciidamada dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this