Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu Sunna iyo Galmudug oo qodobo xasaasi ah ka heshiiyey, Xildhibaano lagu darayo Baarlamaanka iyo sida ay beelaha u qeybsanayaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimadda Online) – Wararka ay Caasimadda Online ka heleyso wadahadalka Magaalada Jabuuti uga socdo Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Maamulka Ahlu Sunna Wal-Jameeca oo uu madaxweynaha u yahay Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegayo inay jiraan isku soo dhawaansho.

Wadahdalda oo meel xasaasi ah marayo ayaa waxaa soo baxayo qodobo ilaa hadda la isku afgartay oo ay kamid yihiin sidii loo qeybsan lahaa awoodaha dowladda, Baarlamaanka,  iyo Golaha Wasiirada.

Sida aan ku helnay warar hoose waxay Ahlu Sunna iyo Galmudug ku heshiiyeen in Ahlu Sunna Baarlamaanka loogu daro ilaa 40 Xildhibaan.

40 xildhibaan ee Ahlu Sunna loogu daray ayaa la sheegay inay Ahlu Sunna awoodda loo siiyey inay iyada soo xusho iyadoo loo fiirinayo hab Beeledka iyo sida ay Beelaha ugu kala badan yihiin Deegaanada ay Ahlu Sunna gacanta ku heyso.

Warar aan la hubin ayaa sheegayo inay Ahlu Sunna beelaha ugu qeybisay sida hoos ku qoran:

Habargidir 15 Xildhibaan

Mareexaan 10 Xildhibaan

Mursade 7 Xildhibaan

Dir 7 Xildhiban.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada isla markaasna lagu soo daro xubno kamid ah Ahlu Sunna Wal-Jameeca.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this