Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadin Soomaliyeed oo Lagu Xukumay 10 sano oo Xabsi ah Dalka Sweden

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamad ku taala magaalada Gotoberg ee dalka Sweden ayaa 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin Soomaali ah oo lagu helay dambi ah isku day dil oo uu u geystay sagaal qof oo ku sugnaa goob suuq ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in labo qof oo kamid ah dadkii ku sugnaa goobta uu ninka Soomaaliga ah weeraray ay soo gaareen dhaawacyo kuwaasoo markhaati furayaal ka ahaa dhageysiga dacwada kiiska ninkan Soomaaliga ah.

Sidoo kale Xeer ilaalinta maxkamada ayaa ninkan ku heshay danbiga lagu soo oogay ee ahaa inuu sameeyay isku day dil oo bareer ah, iyo inuu dhaawac u geystay dad aan waxbo galabsan.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa dhankiisa iska fogeeyay eedeymaha lagu soo oogay ee ah inuu rabay inuu dil geysto, balse waxaa maxkamada ka markhaati furay dhowr kamid ah dadkii goobjooga ka aha dhacdadaas.

Maxkamadda kutaala magaalada Gotoberg ee dalka Sweden ayaa sidaan oo kale xukuno ugu riday dhalinyaro Soomaliyeed oo lagu eedeeyay falal dambiyeedyo kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Muwaadin Soomaliyeed oo Lagu Xukumay 10 sano oo Xabsi ah Dalka Sweden appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this