Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo weerar khasaaro badan dhaliyay ku qaaday Ciidamada Kenya & Gaadiid dagaal oo la gubay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday cutubyo ka tirsan ciidamada Booliska Kenya oo xiligaa ku guda jiray howlgal.

Maleeshiyaadkan oo ku hubeysnaa Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la xaqiijiyay inay wadada u galeen gaadiidkas.

Maleeshiyaadka ayaa weerarka qaaday xili ay ciidamada marayeen wadada xiriirisa degaanada Wittu iyo Gamba oo ka wada tirsan Gobolka Xeebta ku teedsan ee Lamu.

Ciidamada Kenya ayaa weerarka inta uu socday looga gubay Seddex gaari nooca dagaalka, halka laga dilay askar tirro ahaan lagu sheegay 11 oo la socday gaadiidka.

Ciidamada ayaa weerarka looga dhaawacay Todobo Askari, sida laga soo xigtay Saraakiisha Booliska xili ay ka warbixinayeen sida ay wax u dhaceen.

Sidoo kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerarka looga dilay 6 maleeshiyo oo la sheegay inay sababsadeen qoriga loo yaqaan Sabanka oo ay adeegsadeen ciidamada Kenya.

Geesta kale, maleeshiyaadka al-Shabaab ayaan weli ka hadal khasaaraha kasoo gaaray dagaalka, halka Kenya ay ka qiratay dhabar jabka soo gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this