Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Sheegay In Duqeyn Ku Dileen Sarkaal Ka Tirsan Daacishta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Maraykanka, gaar ahaan taliska ciidamadaasi ee ku sugan Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacishta Soomaaliya iyo sidoo kale ilaaladiisa.

Waxaa qoraalkan lagu xaqiijiyey in duqeyntii ka dhacday todobaadkii tagay saldhig ay daacish ku lahaayeen deegaan 70KM qiyaastii u jira magaalada Boosaaso ay ku dileen sarkaalkan iyo 15 kamid ah ilaaladiisa.

Magaca sarkaalkan ma aanay sheegin, balse waxay xaqiijiyeen in howlgalkaasi ahaa mid qorsheysan.

Dowladda Maraykanka ayaa maalmahan dambe waxay dalka ka wadday howlgalka dhanka cirka ah oo ay ku caawineyso dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana la bartilmaameedsanayaa dagaalyahannada Al-shabaab iyo saraakiishooda.

Goobjoog News

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this