Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo si yaab leh u abaal marisay haween dishay dagaalyahan ka mid ah oo kufsan rabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Haween ka tirsan Soomaalida Kenya oo muddo ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab ayaa ka sheekeysay qiso yaab leh oo qabsatay intii ay kooxdaas la joogtay.

Sheekadan oo uu daabacay wargeyska Daily Maverick ee dalka South Afrika, ayaa gabadhan oo lagu magacaabo Khadiija waxa ku sheegtay in ayada oo 20 jir ah ay ka tagtay Gaarisa, una shaqo tagtay Mombasa, hase yeeshee halkaasi baabuur laga saaray lana geeyey xero tababar oo al-Shabaab ay ku leedahay Soomaaliya.

“Markii aan xerada tagay waxaan helay tababar diimeed iyo mid dagaal oo ku saabsan sida loo dagaal galo, loona fuliyo weerarada ismiidaaminta” ayay tiri.

Khadiija ayaa sidoo kale ka sheekeysay dhacdo isku day kufsi oo xerada Al-Shabaab ku qabsatay, hase yeeshee dhammaad yaab leh yeelatay.

“Markii aan xerada tagay waxaan ahaa bikro, waxaa kadib inuu i kufsado isku dayyey mid ka mid ah dagaalyahanada kooxda, waan la dagaalamay markii uu isku dayay inuu xoog igu soo galo, kadibna waan mindiyeeyey oo waa uu dhintay” ayay tiri.

Khadiija ayaa sheegtay in dhowr ilkood ay kaga dhaceen dagaalkaas, hase yeeshee dhacdadaas ay qabsatay dareenka dagaalyahanada kooxda, kadibna lagu abaal-mariyey in laga dhigo taliye, sababtuna ay tahay ayaga oo u sheegay inay tahay geesiyad.

Waxay sheegtay in wixii markaa ka dambeeyey ay hormuud u ahayd 40 haween oo badankood Kenyan ah.

Sheekadan oo English ah halkan ka aqriso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this