Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha gobolka Bari,” Dowladu Way u diyaar garowday La Dagaalanka Cadowg

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Dhedo, ayaa sheegay dowladda Puntland inay adkaysay ammaanka magaalada Bosaso, kadib markii maalmahaan dambe ay ka dhacayeen buuq ay sameynayeen kooxo kasoo horjeeda horumarka.

Guddoomiyaha gobolka Bari, ayaa sheegay kooxaha Daacish iyo Shabaab inay raadinayaan fursad ay kaga faa’idaystaan mashquulka ka jira magaalada Bosaso, si ay u geysteen falala argigixiso, laakiin wuxuu cadeeyay inay dowladdu ciidan badan geysay magaalada Bosaso.

Wuxuu guddoomiyuhu xaqiijiyay ciidamadaan inaysan lahayn ujeedo kale oo aan ahayn inay ilaaliyaan nabad gelyada shacabka, maadaama kooxaha argigixisadu aanay kala jeclayn shacab iyo dowladba, balse ujeedoodu ay tahay inay xasuuq ka geystaan Puntland, si lamid ah Muqdisho.

Guddoomiye Dhedo ayaa ugu baaqay shacabka magaalada bosaso inay la shaqeeyaan ciidanka ammaankooda sugaya ee cadowga ka ilaalinaya, wuxuuna farriin culus udiraysa cid kasta oo qatar ku ah amamanka Bosaso in tlaabo laga qaadidoono.

Puntlandi.com

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this