Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyayaasha gobolada Nugaal iyo Sool oo ka digay in degaamaysi laga sameysto dhulka kuyaala inta udhexeysa Garowe iyo Buura wadal

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaasha gobolada Sool iyo Nugaal oo maanta tagay inta u dhaxaysa Garowe iyo Buuro wadal ayaa ka sheegay inay bur burinayaan calaamadaha boosaska ee goobta ku yaala.

Labada guddoomiye ayaa sheegay in Buuro wadal iyo Garowe inta u dhaxaysa aan la degaamaysan karin, islamarkaana ay tahay dhul daaqsimeed, horey loo mamnuucay in la dego ama boosas laga cabirto.

Waxay fariin culus u direen shakhsiyaadka boosaska ka cabirta aagas, iyago u sheegay inaysan xoogooda iyo dhaqaalahooda isaga khasaarin dhul ay dowladdu mamnuucdo in la dego.

Gudoomiyaha gobolka Sool ayaa ka dhawaajiyey inay tallaabo ka qaadi doonaan dadka habeenkii sida qarsoodi ah cagafta ugu jeexa dhulka, iyago ka cabiranaya dhulal.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this