Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ku saabsan dib u eegista iyo ansixinta Siyaasadda adeeg daadajinta wadooyinka Puntland oo Garowe lagu qabtay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta magaalada Garowe lagu qabtay  shir ku saabsan dib loogu eegayo ansixinta Siyaasadda adeeg daadajinta qaybta wadooyinka Puntland.

Kulankaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxda Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka,Hay,adda wadooyinka (PHA),Hay,adda shaqaalaha Aduunka (ILO)masuuliyiinta hay,adaha bahwadaagta la ,ah mashruuca Horumarinta degmooyinka Puntland JPLG oo ay ka midyihiin howlwadeenadda degmooyinka Garoowe,Galkacyo iyo Qardho oo uu barnamijku ka socda.

Muhiimadda kulankaan lagaa lahaa ayaa ahayd, marka siyaasadaan dib eegis lagu sameeyo in hadana lagu sameeyo ansixin loogu samayn lahaa siyasadda adeeg daadajinta dhanka wadooyinka ee Puntland.

Siyaasadaan ayaa mudo waxaa ku howlanaa aqoonyahana Maxali ah iyo kuwo caalami ah oo ka tirsan hay’ddaha dowladda Pununtland dee qaabilsan mashruuca horumarinta degmooyinka iyo hay’addaha caalamiga ah ee Puntland ka tageera barnamijkan.

Steven oo ah khabiir katalo bixinayey mashruuca ayaa sharaxay ahmiyadda uu leeyahay iyo marxaladihii uu siyasadani ay soo martay,iyadoo uu sheegay in heerkani yahay mid meel wanaagsan maraya una bahan in waqti iyo cilmi dheeri ah la galiyo si wax wanaagsan uga soo baxaan hanaanka dib loogu eegayo siyasaddan.

Masuul u hadlay Hay,adda Wadooyinka Puntland ayaa isna u mahadceliyey khuburadda gudaha iyo tan dibada ee waqtiga badan ku bixiyey sidii loo heli lahaa siyasadda adeeg daadajinta qaybteeda wadooyinka oo muhiimad gaar ah u leh hay,adda wadooyinka,waxaana uu Gudoomiyhu sheegay in il gaar ah lagu eego sida ay howlaha u wadaan degmooyinku ,iyadoo laga caawinayo dhanka hirgelinta dhismaha iyo dayactirka wadooyinka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud & Gaadiidka Puntland Cabdiqaadir Sheikh Maxamuud oo si rasmi ah u daahfuray kullanka dibu eegista siyasadda adeeg daadajinta qaybta wadooyinka ,waxaa uu sheegay in xil gaar ah ay iska saran aqoonyahanada loo fadhiisiyey howshan si wax miro dhal ah ay usoo baxaan.

Agaasimuhu waxaa uu xusay in barnamijka horumarinta Degmooyinka ee JPLG uu soo idladay wajigiisii kowaad isla markaana la filayo kii labaad,balse loo bahanyahay in aan lagu xirnaan mashruuca banaanka ka imanaya ee la dardargeliyo dhaqaalaha gudaha si bulshadu u qabsato mashariic ay lacagtooda geliyeen dowladuna farsamada iyo qalabka ka caawinto.

Kullanka ayaa laga filaya in aqoonyahanada iyo xeer dherayasha ku howlani ay kasoo saran siyasadii lagu haji lahaa daadajinta adeegga wadooyinka Puntland.

tmp-cam-1226165293.jpg

tmp-cam-1634943068.jpg

tmp-cam-541746249-Copy.jpg

tmp-cam-1151893722.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this