Sign in to follow this  
Deeq A.

(Sawirro) Jaaliyadda Puntland ee dalka Germany oo maanta deeq dawo ah ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka.

Recommended Posts

Deeq A.   

jaaliyadda Puntland ee dalka Jarmalka ayaa Maanta deeq-dawo ah ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland. Deeqdaan ayaa ka kooban 5 tonne oo isugu jirta noocyada kala duwan dawooyinka.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee dalka Jarmalka, ahna Xoghayaha guud ee Midowga jaaliyadaha Yurub,Maxammed Cabdiraxmaan Cali Ciise,oo deeqdaan ku wareejiyey wasiirka caafimaadka dowladda Puntland,.

Dr. Cabdinaasir Cismaan Ciise(Cawke), ayaa sheegay in jaaliyaddiisu ay mar walba ka qayb qaadanayso horumarinta caafimaadka dalkooda,islamarkaana ay wadaan qorshe la-isugu xirayo jaaliyadaha debadda iyo bulshada rayidka ah ee gudaha dalka si dadaalkoodu miro-dhal u noqdo.

Agaasimaha Maamulka ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Xassan Shire Abgaal ayaa sheegay in marar badan oo hore jaaliyadda Puntland ee Jarmalka ay dawooyin ka wareejisay wasaaradda Caafimaadka Puntland,dawooyinkaas lagu daboolay baahiyo ka jiray xarumo caafimaad.

wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr.Cabdinaasir Cismaan Ciise(Cawke) oo deeqda la wareegay ayaa si weyn ugu mahadceliyey jaaliyadda Puntland ee Jarmalka,wuxuuna sheegay in deeqdaan ku soo beegmatay xilli aad loogu baahnaa oo qaar kamid ah xarumaha caafimaad ee degaannada Puntland uu ka jiro gabaabsi dhinac dawooyinka ah.

Dr.Cawke ayaa Jaaliyadda Jarmalka ku tilmaamay”mid si joogta ah uga war haysa dalka”,islamarkaana Wasaaradda Caafimaadka ka caawisa dhinaca dawooyinka,gaar ahaanna xilliyada aadka loogu baahanyahay.

24135427_1978234795525918_1741878663_n.j

24099753_1978236558859075_1636704322_n.j 24099780_1978235772192487_1046641425_n.j 24171543_1978234595525938_569913094_n.jp 24171543_1978234595525938_569913094_n-1.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this