Sign in to follow this  
Deeq A.

De deg: Burcad-badeed weeraray Markab Ganacsi.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada badda dowladda Iran ayaa fashiliyey weerar weyn oo burcad-badeed ku qaadday markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Iran gacanka Cadmeed.

Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidanka badda Iran,kaasoo lagu magacaabo The Alvand 48 ayaa markabka ka badbaadiyey weerarka burcadda oo saarnaa 7 laash,meel u dhow marinka Bab el-Mandeb subaxnimadii Isniinta.

Burcad-badeedda Gacanka Cadmeed oo badanaa ka yimaada Xeebaha Soomaaliya,ayaa hubka fudud iyo kan culays-xigaha ku weeraray markabka ganacsi,si ay u af-duubtaan.

Markabka ganacsi oo siday xamuul qiimihiisu yahay malaayiin Dollar,ayaa gurmad weydiistay The Alvand,wuxuuna u weecday dhinaca xeebta,taasoo burcadda ku khasabtay in ay cararaan.

The Alvand 48,ayaa 2-dii bishii Sep halkaasi yimid si u xoojiyo awoodda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee biyaha caalamiga ah iyo ilaalinta marinnada badda.

Taliyaha Ciidanka badda Iran Admiral.Habibollah Sayyari ayaa bishii September sheegay in lixdii sano ee tegay ciidankooda baddu ay galbiyeen 4200 doonyo iyo maraakiib ganacsi ah,kuwaasoo isugu jira qaar Iran laga leeyahay iyo kuwa aanay lahaynba,si ay nabad ugu maraan Gacanka Cadmeed.

Sannadihii u dambeeyey Ciidanka badda Iran ayaa siyaadiyey joogitaankooda biyaha caalamiga ah,si ay u ilaaliyaan marin-biyoodka,islamarkaana nabad ugu gudbaan doonyaha ganacsi iyo maraakiibta.

Iyadoo lala jaanqaadayo dadaalka caalamiga ah ee la-dagaallanka burcad-badeedda,ciidanka badda Iran ayaa kormeer ka ah Gacanka Cadmeed tan iyo bishii Nov ee sannadkii 2008,waxayna ilaalinayeen maraakiibta ganacsi iyo kuwa shidaalka qaada ee laga leeyahay ama laga soo kiraystay Iran,ama dalalka kale.

Ciidanka badda Iran ayaa fashiliyey tiro weerarro burcadnimo ah oo lagu qaaday maraakiib Iran iyo kuwa ajnebi ah hawlgallo ay ka sameeyeen biyahay caalamiga ah.

Xigasho/http://iran-daily.com

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

PUNTLAND POST

The post De deg: Burcad-badeed weeraray Markab Ganacsi. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this