Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan looga arinsanayo Ansixinta iyo Dib u eegista Siyaasada Adeeg daadajinta Wadooyinka Puntland oo lagu qabtay Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Kullan dib loogu eegayo ansixinta Siyaasadda adeeg daadajinta qaybta wadooyinka dowladda Puntland ayaa lagu qabtay hoolka shirarka NEWRAYS ee Magaaladda Garoowe.

Waxaana kasoo qaybgalay Madaxda Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka,Hay,adda wadooyinka (PHA),Hay,adda shaqaalaha Aduunka (ILO)masuuliyiinta hay,adaha bahwadaagta la ,ah mashruuca Horumarinta degmooyinka Puntland JPLG oo ay ka midyihiin howlwadeenadda degmooyinka Garoowe,Galkacyo iyo Qardho oo uu barnamijku ka socda.

Muhiimadda kullanka ayaa lagu sheegay sidii dibu eegis iyo ansixin loogu samayn lahaa siyasadda adeeg daadajinta dhanka wadooyinka ee Puntland oo mudo ay ku howlanayeen aqoonyahana Maxali ah iyo kuwo caalami ah oo ka tirsan hay,adaha dowladda pununtlandqaabilsan mashruuca horumarinta degmooyinka iyo hay,adaha caalamiga ah ee Puntland ka tageera barnamijkan.

Steven oo ah khabiir katalo bixinayey mashruuca ayaa sharaxay ahmiyadda uu leeyahay iyo marxaladihii uu siyasadani ay soo martay,iyadoo uu sheegay in heerkani yahay mid meel wanaagsan maraya una bahan in waqti iyo cilmi dheeri ah la galiyo si wax wanaagsan uga soo baxaan hanaanka dib loogu eegayo siyasaddan.

Masuul u hadlay Hay,adda Wadooyinka Puntland ayaa isna u mahadceliyey khuburadda gudaha iyo tan dibada ee waqtiga badan ku bixiyey sidii loo heli lahaa siyasadda adeeg daadajinta qaybteeda wadooyinka oo muhiimad gaar ah u leh hay,adda wadooyinka,waxaana uu Gudoomiyhu sheegay in il gaar ah lagu eego sida ay howlaha u wadaan degmooyinku ,iyadoo laga caawinayo dhanka hirgelinta dhismaha iyo dayactirka wadooyinka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud & Gaadiidka Puntland Cabdiqaadir Sheikh Maxamuud oo si rasmi ah u daahfuray kullanka dibu eegista siyasadda adeeg daadajinta qaybta wadooyinka ,waxaa uu sheegay in xil gaar ah ay iska saran aqoonyahanada loo fadhiisiyey howshan si wax miro dhal ah ay usoo baxaan.

Agaasimuhu waxaa uu xusay in barnamijka horumarinta Degmooyinka ee JPLG uu soo idladay wajigiisii kowaad isla markaana la filayo kii labaad,balse loo bahanyahay in aan lagu xirnaan mashruuca banaanka ka imanaya ee la dardargeliyo dhaqaalaha gudaha si bulshadu u qabsato mashariic ay lacagtooda geliyeen dowladuna farsamada iyo qalabka ka caawinto.

Kullanka ayaa laga filaya in aqoonyahanada iyo xeer dherayasha ku howlani ay kasoo saran siyasadii lagu haji lahaa daadajinta adeegga wadooyinka Puntland.

tmp-cam-1634943068.jpg?resize=320%2C240

tmp-cam-1226165293.jpg?resize=320%2C240

tmp-cam-1151893722.jpg?resize=320%2C240

tmp-cam-820978431.jpg?resize=320%2C240

 

tmp-cam-664700336.jpg?resize=320%2C240

tmp-cam-638700040.jpg?resize=320%2C240

tmp-cam-541746249.jpg?resize=320%2C240

tmp-cam-419097624.jpg?resize=320%2C240

The post Kulan looga arinsanayo Ansixinta iyo Dib u eegista Siyaasada Adeeg daadajinta Wadooyinka Puntland oo lagu qabtay Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this