Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Kenya oo sheegtay inay burburisay lix saldhig oo ay lahayd Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Boni-Forest-Kenya-Somalia.jpg?resize=817Nairobi (PP) ─ Ciidanka Amniga Kenya ayaa shaaciyay inay burburiyeen lix saldhig oo kooxda Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Lamu ee ku dhaw xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Agaasimaha hawlgalka Keymaha Boni ee Kenya Joseph Kanyiri ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay inay guud ahaan burburiyeen saldhigyadaas oo kooxda Al-shabaab ay ka abaabuli jirtay weerarrada kala duwan ee Kenya ay la beegsadaan, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.

Sidoo kale, Sarkaalku wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ee saldhigyadaas bur-buriyay ay heleen hub fara badan, dawo, cunno iyo agab laga sameeyo walxaha qarxa.

Kanyiri ayaa intaas ku darya inay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab intii ay hawl-galkaas ku jiren, inkastoo tiradooda uusan sheegin, wuxuuna intaas ku daray in hawlgallada noocan ah ay sii wadi doonaan inta ay curyaaminayaan Al-shabaab.

Dhanka kale, Hawl-galka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee Kaymaha Boni ayaa sannadkii 2015-tii billowday, kaddib markii weerarro dhawr ah halkaas ka fulisay Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaa sheegeysa in hawl-galkaas uu gebo-gebo ku dhaw yahay maadaama sida laga guuleystay Al-shabaabkii gudaha dalka Kenya ku sugnaa, sida ay sheegeen.

PUNTLAND POST

The post Dowlada Kenya oo sheegtay inay burburisay lix saldhig oo ay lahayd Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this