Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ku dhawaaqday inay Shabaabkii Lamu Joogay u geysatay jab weyn markii la burburiyey…

Recommended Posts

Deeq A.   

Lamu (Caasimadda Online) – Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in guud ahaan ay burburiyeen  lix Saldhig oo Al-shabaab ay ku lahaayeen degaanka Lamu ee Sohdinta Soomaaliya u dhow.

Agaasimaha  howlgalka Keynta Boni ee dalka Kenya Joseph Kanyiri  ayaa warbaahinta u sheegay in ay guud ahaan dhulka la simeen Saldhigyaddaasi oo Al-Shabaab ay kasoo qaadi jireen Weeraradda dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Kenya ee saldhigyadaas bur buriyay ay heleen Hub farabadan,Daawo,Cunto iyo agab kale oo laga sameyn karo walxaha qarxa.

Waxaa kale oo uu xusay in intii uu socday howlgalkaas ay dileen tiro ka mid ah Ciidamada Al-shabab ee degaankaas ku dhuumanayay islamarkaana kuwo kale ay dhaawacmeen.

Mr Kanyiri ayaa saraakiisha Caafimaadka ee  Isbitaallada degaannada kala ah; Lamu, Tana River, Garissa, Kilifi iyo Mombasa,ka codsaday in ay Booliska ku wargeliyaan dhaawacyada AL-shabaab ee la geynayo iyada oo laga dhigayo dad shacab ah oo ku dhaawacmat howlgalladaas.

Howlgalka ka dhanka Al-Shabaab ee Booni ayaa Sanadkii 2015-tii billowday kaddib markii weerarro dhowr ah ay Al-shabaab ka fuliyeen gudaha Kenya,waxaana dowladda Kenya ay hadda sheegeysaa in howlgalkaas uu gebo gebo ku dhowyahay maaddaama sida ay ku faaneyso laga guuleystay Al-shabaab gudaha Dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this