Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qeybgalaya Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta ku wajahan Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata oo la filayo inay dhacdo maalinta bari ah oo Talaada ah.

Xafadda ayaa waxaa ka  geli doono madax badan oo ka tirsan Qaaradda Africa, waxaana liiskaas kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dalalka ay madaxweynayaashooda ka qeyb geli doonaan Caleemasaarka:

Mohamed Abdullahi Farmaajo (Somalia) Yoweri Museveni (Uganda) Ian Khama (Botswana) Paul Kagame (Rwanda) John Pombe Magufuli (Tanzania) Edgar Lungu (Zambia) Ismaïl Omar Guelleh (Djibouti) Hage Geingob (Namibia) Faure Gnassingbé (Togo) iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya  Desalegn of Ethiopia.

Wadamada Soo diri doono Ergooyin
Senegal, China iyo Japan
Wadamada soo diri doono Wasiiro
South Africa, Britain Ukraine iyo India

Wadamada soo diri doono madaxweyne ku xigeenada ama Ra’isulwasaare:
Nigeria, Guinea, Angola, Democratic Republic of Congo, Burundi iyo Yemen.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qeybgalaya Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this