Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo ku dhawaaqay inay qabteen diyaarad Drone oo ay laheyd dowladda Mayrekanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen diyaarad nooca Drones-ka ah oo ay sheegeen inay ku soo dhacday Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Warbaahinta Shabaab ayaa sheegtay diyaaradan inay ku soo dhacday Buuraha Caalmadow ee Gobolka Bari durbadiiba halkaasi ay ka qaadeen Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Waxa ay sheegeen in Diyaradaan oo ah Nooca wax basaasa ay ka qabteen Buuraha Calmadoow  ee duleedka Magaalada Boosaaso Xarunta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay hadda Gacanta ku hayaan burburka Diyaarada oo ku sheegeen in ay leedahay dowladda Mareykanka wallow ilaa iyo hadda aan loo heyn waxyaabo cadeyn ah.

Weli dowladda Mareykan kama jawaabin hadalka ka soo baxay Al-Shabaab ee ku aadan in ay Gacanta ku hayaan mid ka mid ah Diyaaradaha wax basaasa ee dowldda Mareykanka.

Diyaaradan oo Drones-ka ayaa waxaa ku xirnaa Kaamirooyin, waxaana la sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan ciidamo Shabaabka tirsan.

Diyaaradaha Drones-ka ee wax duuba ayaa dul wareega Saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Gobolada dalka Somaliya, iyadoo Shabaab ay horay u qabteen diyaarado sidan oo kale ugu soo dhacay deeganada ay ku sugan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this