Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Rag ku eedeysan sahminta Qaraxyada Maqaayadaha oo Maanta Maxkamad lasoo taagay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka soo hormuuqday  4; Eedeysane oo loo heysto in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Maxkamadda Ciidank ayaa markii 2aad waxaa ay Maxkamadeysay Raggan oo lagu eedeeyay in ay Al-shabaab u qaabilsanyihiin Qarxinta Maqaayadaha Magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Afarta Qof magacyadooda ku sheegtay.

1) C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed.

2) Max’ed Cumar Akiile C/raxiin

3) Daa’uud Max’ed Cali Max’ud

4) C/laahi Ibraahin Geeseey.

xafiiska xeer iaalinta maxkamadda CQS ayaa ka hor aqriyay eed lid ku ah eedeyanayaasha kala ah:-

“C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed ayaa si gaar ah loogu eedeeyay sahminta iyo dhigisto baabuurta qaraxyada laga soo buuxiyo maqaayadaha dadku ku badan yihiin oo ku yaalo magaalada muqdisho.

waxaa ka mid ahaa goobihii ay xeer ilaalinta CQS ku muujisay gal dacwadeedkiisa Qaraxii ka dhacay Maqaayad kasoo horjeedka Hotel Wehliye, Taariikhdu markay ahayd 13/03/2017,halkaasoo ay ku geeriyoodeen tira lagu sheegay 10 ruux, sidoo kale Qaraxii ka dhacay Baar Italia Taariikhdu markay ahayd 08/05/2017, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 10 Ruux oo kale, si lamid ah Qaraxii ka dhacay maqaayad ku taalo agagaarka wasaarada amniga kasoo horjeedka wasaarada sportiga Taariikhdu markay ahayd 05/04/2017, qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 9 ruux.

Eedaysanaha 2aad Max’ed Cumar Akiile C/raxiin, ayaa isna si gaar ah loogu eedayay kamid ahaanshiyaha Kooxda Al-shabaab, iyadoo ciidamadu amnigu ay gacanta kugu soo dhigeen isagoo wada gaarigii ku qarxay Eenaayo degmada Xamar-weyne taariikhdu markay ahayd 15/05/2017.

Eedaysanaha 3aad Daa’uud Max’ed Cali Max’ud, ayaa isna si gaar ah waxaa loogu eedeeyay ka tirsanaan Kooxda Al-shabaab, una qaabilsanaa Qeybta Faafisa Afkaarta Al-shabaab, isagoo ka howlgalay Gobolada Sh/hoose iyo Banaadir, sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay in uu Taakulayn gaar ah siin jirtay Qeybta Qaraxyada oo uu lacago siin jiray Eedaysanayaasha 1aad iyo 2aad marka ay qarax fuliyaan.

Eedaysanaha 4aad C/laahi Ibraahin Geeseey, ayaa kala mid ahaa eedeysanayaasha kamid ahaanshiyaha Al-shabaab, waxa uuna qaabilsaa Soo dajinta iyo iibinta gaadiidka qaraxyada lagu fuliyo, isagoo Al-shabaab u soo dejiyay gaarigii Saarufta ahaa ee ku qarxay kasoo horjeedka Wasaarada Amniga Qaranka, sidoo kale waxa uu soo dejiyay gaarigi ku qarxay wadada Maka Al-Mukarama, taariikhdu markay ahayd 03/07/2017.” sidaas waxaa garsoorka u sheegay Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo kamid ah xeer ilaaliyaasha Ciidmada Qalabka Sida.

Maxkamada-13.jpg?resize=640%2C427Maxkamada-12.jpg?resize=640%2C427Maxkamada-11.jpg?resize=640%2C427Maxkamada-10.jpg?resize=640%2C427Maxkamada-9.jpg?resize=640%2C427Maxkamada-8.jpg?resize=640%2C427Maxkamada-7.jpg?resize=640%2C427Maxkamada-6.jpg?resize=640%2C427Maxkamada-5.jpg?resize=640%2C427Maxkamada-4.jpg?resize=640%2C427Maxkamada-3.jpg?resize=640%2C427Maxkamada-2.jpg?resize=640%2C427Maxkamada-1.jpg?resize=640%2C427

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this