Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Somalia iyo Jabuuti oo Maanta Gaaray Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdiga_Baladweyne_Gaaray-1.jpg?resize=8Baladweyne (PP) ─ Wafdi ay Hoggaaminayeen Guddoomiyeyaasha labada baarlamaan ee Somalia iyo Jabuuti, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Maxamed Cali Xaamud ayaa gaaray Maanta degmadaBeledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Labada Guddoomiye ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Madaxdan ayaa waxaa safarkooda ku wehliya Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle, Safiirka Jabuuti u fadhiya Dalka Somalia, Taliyaha AMISOM, iyo Mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa socdaalkiisa ka dambeeyay, kaddib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa Soomaaliya.

Dhanka kale, Booqashada maanta uu ku tagay Beledweyn ayaa ah mid uu ugu kuur galayo xaalada gobolka oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka socda dalka Jabuuti.

Ugu dambeyn, Munaasabad lagu soo dhoweynayo wafdiga ayaa ka dhacday xarunta maamulka, waxaana halkaas ay kula hadleen qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Hiiraan sida Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, dhalinyarada, haweenka iyo xubnaha maamulka.

Wafdiga_Baladweyne_Gaaray-2.jpg?resize=8Wafdiga_Baladweyne_Gaaray-3.jpg?resize=8Wafdiga_Baladweyne_Gaaray-4.jpg?resize=8Wafdiga_Baladweyne_Gaaray-5.jpg?resize=8Wafdiga_Baladweyne_Gaaray-6.jpg?resize=8Wafdiga_Baladweyne_Gaaray-7.jpg?resize=8Wafdiga_Baladweyne_Gaaray-8.jpg?resize=8

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Somalia iyo Jabuuti oo Maanta Gaaray Baladweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this