Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaybtii ugu horeysay Ciidanka AMISOM oo Todobaadka soo Socda ka baxaya Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada_AMISOM_dilal.jpg?resize=827%2CMuqdisho (PP) ─ Kun Askari oo ka mid ah ciidamada AMISOM, ayaa bisha soo socota ka bixi doona Somalia, iyadoo lagu wado in qeybtii u horreysay ka bixitaanka ciidanka ay bilaaban doonaan horaanta todobaadka soo socda.

Afhayeenka milateriga Uganda, Richard Karimere ayaa sheegay in illaa 281-askari oo u dhashay Uganda oo gaaraya 1,000 Askari laga soo saari doono Somalia horraanta Todobaadka soo socda.

Qorshaha ka bixitaanka ciidamada Uganda ee Somalia ayaa Qaadan doona illaa 31-ka bisha December ee dhamaadka Sannadkaan. Iyadoo tani ay ka tahay qayb qorshe ciidamada AMISOM looga saarayo Soomaaliya oo dhan.

Saraakiisha Ciidamada Difaaca Uganda ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka ka bixitaanka AMISOM uu yahay sidii Ciidamada amniga Soomaaliya fursad loogu siin lahaa sidii ay ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen.

Dhanka kale, Cutubkii u horreeyay Ciidammo ka socda Dalka Uganda ayaa Soomaaliya yimid sannadkii 2007-dii, waxayna Somalia ka howl-galayeen muddo toban sano ah, waxaana tan iyo muddadaas ciidamada Uganda kaga dhintay Somalia Ciidamo fara badan oo ay ugu dambeysay 12 askari oo bilo ka hor looga dilay deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu dambeyn, Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa bishii May ee sannadkan hal sano ugu kordhiyay hawl-galka AMISOM illaa Sannadka 2018, sidoo kale waxaa bishii Ogoosto ee Sannadkan isku raacay in la dhimo tirada ciidanka jooga Somalia, lagana soo saaro kun askari, kaddib markii Midowga Yurub ay jarteen dhaqaalihii ay ku bixinayeen hawl-galka AMISOM.

PUNTLAND POST

The post Qaybtii ugu horeysay Ciidanka AMISOM oo Todobaadka soo Socda ka baxaya Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this