Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka dhigan tahay talaabada ay Sacuudiga Sheekh Atam ugu dartay liiska argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal lagu baahiyay Wakaalada Wararka Sucuudiga ee SPA, ayaa lagu sheegay in dowlada Sacuudiga iyo Xulafadeeda ay argagixiso u aqoonsadeen 11 wadaad oo uu ku jiro Sheekh Maxamed Siciid (Atam).

Shaqsiyaadka liiska argagixiso ku wehlinaaya Atam ayaa waxaa kamid ah Ururo Islami ah iyo Shaqsiyaad caan ah oo xiriir dhow la leh Dowlada Qatar balse lagu eedeeyay argagixisonimo.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in shaqsiyaadkaasi ay leeyihiin Khataro argagixiso, isla markaana ay muhiim tahay in laga feejignaado dhibaatooyinka ay geysan karaan.

Dawladaha lixda ah ee go’doomiyay dawlada Qatar warkoodaan cusub waxay ku sheegeen in shaqsiyaadkaan uu Atam ku jiro u aqoonsan yihiin inay argagixisada taageeraan ama ay ka tirsanyihiin sida warku u qoran yahay.

Sheekh Maxamed Siciid (Atam) ayaa horay u ahaa hogaamiyihii Al-Shabaab ee deegaanada Puntland, waxa uuna sanadii 2014kii isku soo dhiibay Dowlada Somalia, waxa uuna hadda ku sugan yahay magaalada Doxa ee dalka Qadar.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay warbixinta in Xubnaha la tuhunsan yahay ay ku jiraan Hay’addo ka shaqeeya samafalka iyo faafinta dacwada waxaana ka mid ah Hay’add uu maamulo wadaadka la yiraahdo Sheekh Yuusuf Al-Qardawi.

Qoraalkan kusoo baxay warbaahinta Sacuudiga ayaa dab iyo bansiin kusii shidaaya xiisadii udhexeysay Dowlada Qadar iyo Xulafada Sacuudiga ee mintidiinta ah.

Talaabadan Sheekh Atam iyo Qardawi loogu daray liiska Argagixisada ayaa u muuqaneysa mid lagu faduulinaayo dowlada Qadar oo ay xiisad Siyaasadeed kala dhexeyso Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this