Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland oo Magaalada Damala-xagare ka Dhagax Dhigay Saldhigg Boliis.

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo hawlo shaqo u jooga gobolka Sanaag ayaa maanta gelinkii danbe 23 Nov 2017 ka dhagax dhigay magaalada Damala-xagare  Saldhig Boolis kaas oo noqonaya saldhiggii labaad ee uu Agaaasimuhu isla maanta  ka dhagax dhigo  gobolaka Sanaag.

Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa waxaa dhagax dhigga saldhigga Booliska magaalada Damala-xagare ku wehelinaayey Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon, maamulka  Magaalada Damala-xagare, taliyayaasha ciidanka Booliska iyo Daraawiishta ee gobolka Sanaag  iyo xubno ka tirsan xildhibaanada golaha degaanka degmada Badhan.

Weftiga Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa kahor inta aanay dhagax dhigin saldhigga waxa ay kulan is xogwaraysi ah la qaateen waxgaradka maagalaada Damala-xagara, waxaana uu Abwaan Cabdirashiid yuusuf Jibriil Cawl u cadeeyey shacabka magaaladaasi inay tahay magaaladoodu mid muhiimad gaara u leh gobolka iyo guud ahaanba Puntland, isla maraana waxa uu Agaasimuhu sheegay in xukuumadda dawladda Puntland la damacsan tahay magaaladooda inay ka fuliso wax qabad balaadhan oo ay ugu horayso saldhig Booliis iyo ciidankii ku hawlgeli lahaa saldhiggaasi.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimaddiisa gaarka ah uu u leeyahay saldhiggu magaalada iyo guud ahaan deegaanka hoosyimaadaba, madaama ay kaga faa’iidaysan doonaan saldhigga iyo ciidankiisaba ka hortagga wax kasta oo lid ku ah xasiloonida, horumarka iyo amaanka magaaladoodaba.

Dhinaca kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda oo kahadlay goobtii dhagax dhigga saldhigga magaalada Damala-xagare ayaa sheegay in maanta ay hirgashay qayb kamid ah balanqaadkii Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kaas oo ahaa in todoba saldhig laga hirgeliyo gobolka iyo sadex ‘MCH’ , isla markaana waxaa uu Agaasimuhu ku amaanay shacabka magalaada Dama-laxagare sida wanaagsan ee ay isugu xilqaameen kawada shaqaynta horumarka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dawladdu diyaar latahay kharash iyo wax-kastoo ku baxayaba dhismaha saldhiggaasi.

Maamulka magaalada Damala-xagare iyo bulshada magaaladaasi ayaa iyagoo isku duuban xanbaartay masuuliyadda dhammaystirka dhismaha saldhiggaasi, waxaana ay xukuumadda dawladda Puntland iyo weftiga hawlaha shaqo ugu yimiba uga mahadceliyeed sida wadaniyaddu ku jirto ee ay dalkooda iyo dadkoodaba  ugu adeegayaan.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag,  taliyayaasha Booliska iyo Daraawiishta ee gobolka Sanaag ayaa iyana dhankooda shacabka magaalada Damala-xagare uga mahadnaqay sida walaaltinimada leh, qadarintale, dadnimadale, wadaniyaddu ku jirto ee ay ku qaabileen weftigooda, isla markaana ay u garawsadeen sidii ay u horumarin lahaayeen magaaladooda, waxaana ay tilmaameen in saldhiggu wax badan kusoo kordhinayo magaalada iyo guud ahaan degaankaba.

Ugu danbayn, Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa soo kormeeray dhismaha xarun caafimaad oo magaalada laga hirgelinayo kaas oo dhismihiisu marayo heer gebogebo ah iyo sidoo kale ceelka biyaha magaalada kaas oo ay hirgelisey dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.5I2A3830.jpg?resize=1000%2C667 5I2A3843.jpg?resize=1000%2C667 5I2A3869.jpg?resize=1000%2C667 5I2A3875.jpg?resize=1000%2C667 5I2A3876.jpg?resize=1000%2C667 5I2A3893.jpg?resize=1000%2C667 5I2A3900.jpg?resize=1000%2C667 5I2A3930.jpg?resize=1000%2C667 5I2A3967.jpg?resize=1000%2C667 5I2A3996.jpg?resize=1000%2C667 5I2A4016.jpg?resize=1000%2C667 5I2A4043.jpg?resize=1000%2C667 5I2A4059.jpg?resize=1000%2C667 5I2A4089.jpg?resize=1000%2C667 5I2A4117.jpg?resize=1000%2C667 5I2A4150.jpg?resize=1000%2C667 5I2A4197.jpg?resize=1000%2C667 5I2A4259.jpg?resize=1000%2C667 5I2A4296.jpg?resize=1000%2C667 5I2A4306.jpg?resize=1000%2C667 5I2A4323.jpg?resize=1000%2C667 5I2A4347.jpg?resize=1000%2C667 5I2A4398.jpg?resize=1000%2C667

The post Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland oo Magaalada Damala-xagare ka Dhagax Dhigay Saldhigg Boliis. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this