Sign in to follow this  
Deeq A.

Burcad-badeed la qabtay iyo Dowladda Soomaaliya oo wefdi u diraysa.

Recommended Posts

Deeq A.   

burcadda.jpg?resize=600%2C400

Lix qof oo looga shakiyay burcad-badeed Soomaali ah, ayaa loo wareejiyay dalka Seychelles ,kadib markii lagu qabtay weerar ay ku qaadeen markab iyo doon kalluumeysi xeebaha koonfureed ee Soomaaliya,sida ay sheegeen saraakiil.

Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka Talyaanniga oo lagu magacaabo ITS Virginio Fasan ayaa qabtay raggaan laga shakinsanyahay,kadib markii ay weerareen markab ganacsi oo ku gooshayey calanka Seychelles,kaasoo siday 52 tan oo shidaal ah,iyo doonni kalluumeysi todobaadkii tegay. weerarka ayaa dhacay 24 saac gudahood intii u dhexaysay maalintii jimcaha ee 18 bishaan Nov iyo maalintii Sabtida ee 19 Nov.

Kusimaha taliyaha xabsiga Montagne Posee, ee dalka Seychelles, Raymond St Ange ayaa sheegay in wareejinta burcadda lagu saleeyey heshiis horay u dhexmaray dalka Seychelles iyo hawlgalka la-dagaallanka burcad-badeedda NATO ee (EU NAVFOR).

“Heshiisku wuxuu noo ogolaanaya inaan bilowno dacwad-qaadista falkasta oo burcadnimo ah,laakiin dacwad-qaadistu waxay ku xirantahay caddeyn uu baaris ku sameeyey xafiiska xeer ilaaliyaha guud”,ayuu yiri St Ange.

Tuhmanayaasha, ayaa khamiistii Maanta laga soo dejiyey dekadda magaalada Port of Victoria ee dalka Seychelles oo ku yaalla galbeedka badweynta Hindiya,kana kooban 115 jasiiradood.

St Ange ayaa sidoo kale sheegay in wefdi ka socda Soomaaliya uu imaan doono Seychelles,si uga la hadlo arrinta burcadda.

Xabsiga weyn Montagne Posee,ee Seychelles waxaa horay ugu xirnaa 15 maxbuus oo Soomaali ah.

Maqaal lagu daabacay shabakadda internet-ka ee Navaltoday,ayaa ciidamada EU NAVFOR ku sheegeen“burcad-badeeddu waxay bam-gacmeedyo ku tuureen markabka intii weerarku socday”.

“Dhammaan shaqaalihii saarnaa markabka iyo doonta la weeraray way badqabaan”,ayaa maqaalka lagu xusay.

Dalka Seychelles oo ka kooban 115 jasiiradood,kuna yaalla galbeedka badweynta Hindiya,ayaa kaalinta hore kaga jiray la-dagaallanka burcad-badeedda tan iyo sannadkii 2005,xilligaasoo ay ballaaratay burcadnimada oo si xun u saamaysay dalxiiskii iyo kalluumeysigii dalka.

Inkastoo hoos u dhac ku yimid weerarradii burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya,laga soo bilaabo sannadkii 2011 oo la qaaday 236 weerar,ilaa sannadkii 2014 oo la qaaday laba weerar oo aan guulaysan,haddana Seychelles ayaa ku jirta xaalad feejignaan ah,waxaana St Ange sannadkii tegay sheegay“in xogta sirdoonka ee la helayo muujinayso in weli ay jirto halis burcad-badeed”.

Dhowaan, guddoomiyaha Seychelles ee kooxda xiriirka burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya Ambassador Barry Faure ayaa yiri“bad-maaxiintu mar walba waa in ay maskaxda ku hayaan in burcad-badeed halkaasi joogto,maadaama aan xasilooni ka jirin Soomaaliya”.

Xigasho:http://www.seychellesnewsagency.com/en

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Burcad-badeed la qabtay iyo Dowladda Soomaaliya oo wefdi u diraysa. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this