Sign in to follow this  
Deeq A.

Tartan kubadda cagta oo galabta u furmay Degmooyinka Gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoonka kubadda cagta Mire Awaare magaaladda Garowe ee caasimadda Dowladda Puntland ayaa maanta waxaa si toos ah uga furmay tartanka kubadda cagta iyo orodka gabdhaha ee isdhexgalka 5ta Degmo ee Gobolka Nugaal.

Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubadda Cagta Puntland ayaa kasoo qayb galay furitaanka koobkan, halka ay usoo daawasho tageen qaar ka mid ah dadweynaha ku nool magaalada Garowe ciyaar xiiso badan oo galabta dhexmartey ciyaartooyda Garowe iyo Degmada Godobjiraan.

Sidoo kale waxaa ka qeybgalaya koobkan naadiyo ka socda barakayaasha Koonfurta Somalia eek ku nool magaalada Garowe, waxaana iska lahaa fikirka ah in la qabto koobkan Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa Hay,adda World Vision,waxaana maalgalinaya Midowga Yurub.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Puntland ayaa ka waramay muhiimiyadda laga leeyahay koobkan, wuxuuna sheegay inuu qeyb ka yahay isdhexgalka dhalinyaradda iyo sidii loo jiheyn lahaa.

IMG_0318.jpg?resize=778%2C518IMG_0320.jpg?resize=778%2C518IMG_0325.jpg?resize=778%2C518IMG_0329.jpg?resize=778%2C518IMG_0334.jpg?resize=778%2C518IMG_0336.jpg?resize=778%2C518IMG_0340.jpg?resize=778%2C518IMG_0343.jpg?resize=778%2C518IMG_0348.jpg?resize=778%2C518IMG_0352.jpg?resize=778%2C518IMG_0356.jpg?resize=778%2C518IMG_0359.jpg?resize=778%2C518IMG_0373.jpg?resize=778%2C518IMG_0375.jpg?resize=778%2C518IMG_0377-1.jpg?resize=778%2C518IMG_0381.jpg?resize=778%2C518IMG_0382.jpg?resize=778%2C518IMG_0383.jpg?resize=778%2C518IMG_0388.jpg?resize=778%2C518IMG_0391.jpg?resize=778%2C518IMG_0394-1.jpg?resize=778%2C518IMG_0397.jpg?resize=778%2C518IMG_0398.jpg?resize=778%2C518IMG_0404.jpg?resize=778%2C518IMG_0405.jpg?resize=778%2C518IMG_0406.jpg?resize=778%2C518IMG_0407.jpg?resize=778%2C518Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Tartan kubadda cagta oo galabta u furmay Degmooyinka Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this