Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub: Halkee ayey ku danbeysay cabsidii ka dhex taagneyd Xarunta Xalane ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo idlaaday howlgal maalmo badan qaatay oo ka dhex socday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaa oo saldhig u ah dhammaan Ajaaniibta ku sugan Somalia.

Howlgalka ka socday xaruntaani ayaa soo bilowday 9ka bisha aan ku jirno waxa uuna qorshu ahaa inuu socdo muddo muddo Afar cisho, balse sababo jira aawgood uu daba dheeraaday howlgalka, sida laga soo xigtay Saraakiisha amniga.

Howlgalka oo ahaa mid ka dhex socday Xarunta Xalane ayaa waxaa ka qeybqaadanaayay ciidamo ku dhow 1,500 iyo Eeyo badan oo qaarkood leh darajo ciidan kuwaa oo xaqiijinaayay amniga xarunta, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maleeshiyada al-Shabaab ay qorsheysay weeraro ay ka dhex fulineyso gudaha Xarunta.

Howlgalka soo idlaaday ee mudada badan qaatay ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu wkhtiga badnaa ee ka dhex dhaca gudaha Xarunta Xalane, iyadoo sababta ugu weyn lagu sheegay in Shabaab ay weerarka u adeegsan doonaan shaqaale iyo gaadiid kamid ah kuwa ka dhex shaqeeya Xarunta.

Saraakiisha AMISOM ee ku howlaneyd howlgalka ayaa si rasmi ah dhankooda uga xaqiijiyay inay kasoo gudbeen howlgalka, balse uu weli jiro feejignaan dhanka amaanka ah.

Sidoo kale, waxaa howlgalka kadib adkaatay galitaanka iyo ka bixitaanka Xarunta Xalane, iyadoo xitaa mas’uuliyiinta dowlada ay mamnuuc ka tahay galitaanka ilaa iyo ay kawar galiyaan maamulka gacanta ku haya Xarunta Xalane.

Dhinaca kale, Howlgalka qudhiisa ayaa qalqal amni galiyay dhammaan Taliyayaasha ciidamada ajaaniibta ee deegaanka ku ah Xalane, walow markii danbe ay si KMG ah u saldhigteen magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this