Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuqaal: TV-ga Imaaraadka Carabta oo shaaciyey waxyaabihii ay ka wada hadleyn Farmaajo iyo Madaxda Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho labo cisho ah ku tagay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa wadahadallo la yeeshay Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dubay, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalkan Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

Haddaba TV-ga Qaranka dalka Imaaraadka Carabta ayaa soo bandhigay dhammaan qodobadii ay ka wada hadleyn labada Mas’uul.

Tv-ga ayaa sheegay inay labada Madaxweyne ka wada hadleyn Xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhaxeeyo labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, waxayna si gaar ah uga wada hadleyn barnaamijyada la xiriiro Horumarinta Soomaaliya,  kuwa Bini’aadanimada iyo Samafalka.

Sidoo kale TV-ga sheegay inay labada Madaxweynaha ay ka wada hadleyn sidii loo xoojin lahaa Mashaariicda hormarineed oo ay dowladda Imaaraadka Carabta ka wado dalka Soomaaliya oo uu fikirkooda lahaa Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dubay Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan sidii loo garab istaagi lahaa Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku jiro.

Sidoo kale labada Madaxweyna ayaa ka wada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen mashaariicda lagu hormarinayo Soomaaliya, sidoo kale waxay ku heshiiyeen inay si wadajir ah uga qeyb qaataan sugidda Amniga Soomaaliya.

Laba Madaxweyne ayaa isku afgartay inay dowladda Imaaraadka Carabta ka qeyb qaadato dagaalka lagula jiro kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Ugu Dambeyntii Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dubay Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan ayaa ballan qaaday inay Imaaraadka Carabta sii wadi doonto garab siinto wadanka ay walaalaha yihiin ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo Dhaxal Sugaha ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen oo ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, horumarinta, iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, La-taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Istiraatiijiyadda Prof. Nuur Diiriye Xirsi, Sen. Mahdi Daahir Sheekh Nuur iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Mudane C/qaadir Sheekheey Maxamed Al Xaatimi.

Haddaba Halkaan hoose ka daawo warka ka baxay TV-ga Qaranka Imaaraadka ee arrintaan looga hadlay

Farmaajo-Imaaraad1.jpg4_.png?resize=696%Farmaajo-Imaaraad1.jpg-3.png?resize=696%Farmaajo-Imaaraad1.jpg-2.png?resize=696%farmaajo-iyo-Imaaraad.png?resize=696%2C3

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this