Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan hal askerti ayaa ku dhintay,tiro kalena waa ku dhaawacantay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,sida ay soo weriyeen goobjoogayaal.

Qaraxa ayaa lagu weeraray ciidanka Xasilinta caasimadda,wuxuuna qabsaday gaadiid ciidankaasi wateen oo marayey isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho,sida laga soo xigtay Booliiska Soomaaliya.

Saraakiisha hawlgalka xasilinta Caasimadda Muqdisho,weli wax faahfaahin ah kama bixin qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay,laakiin ururkaAl-shabaab ee fallaagada ah ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay iyagu ka dambeeyeen,islamarkaana ay ku dileen asker ka tirsan ciidanka xasilinta.

Ma weli war sugan lagama hayo khasaaraha qaraxa.

 

PUNTLAND POST

The post Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this