Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaankii sagaalaad oo haysta labo baasaboor oo laga eryay baarlamaanka…..

Recommended Posts

Deeq A.   

Canberra (Caasimadda Online) – Xildhibaanad ka tirsan aqalka sare ee dalka Australia ayaa ka dagaysa xilkeeda kadib markii la ogaaday in ay heysato baasaboor labaad oo aan ahayn kan Australia.

Sharciga Australia waxa uu mamnuucayaa in qofka baarlamaanka galaya ama qabanaya xil sare uu heysto jinsiyad kale, wuxuuna sharcigan galaaftay siyaasiyiin badan oo uu ka midyahay Ra’isulwasaare ku xigeenkii.

Xildhibaan Skye Kakoschke-Moore ayaa heysata dhalashada dalka Britain , xilka ayayna iska casishay kadib markii ay ogaatay in hooyadeed ay ka dhaxashay dhalashada dalkaasi kale.

Arrintan la xiriirta labada dhalasho ayaa xitaa dowladda hadda xilka haysa ka dhigtay mid aanan aqlabiyad haysanin baarlamaanka dhexdiisa, kadib markii xildhibaanadii tiro dheerida ay ku heysteen ay iska casileen xilalkoodii arrintan darteed.

Maxkamadda sare ee Australia ayaa bil ka hor xukuntay in qof heysta dhalasho kale uusan gali karin siyaasadda dalkaas.

98854848_skyekakoschke-moore.jpg?resize=

Ra’isulwasaaraha Australia Malcolm Turnbull ayaa sheegay in siyaasi kasta looga baahanyahay in uu shaaciyo haddii uu haysto dhalasho dal kale oo aan la ogeyn. Illaa 5ta bisha Diseembar ayaa loo qabtay siyaasiyiinta.

Xukuumadda ayaa soo ceshan karta aqlabiyadeeda baarlamaanka haddii labo musharax oo xisbiga talada haya u taagan ay ku guuleystaan tartanka kursiga ay baneeyeen xildhibaanadii haystay labada dhalasho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this