Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya ugu deeqday lacag gaaraysa $2 malyan oo Dollar, maxaa lagu qaban doonaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag gaaraysa $2 malyan oo Dollar,taasoo la soo mariyey hay’adda UNICEF,si loo caawiyo in ka badan 15 kun oo carruur ah oo nafaqa-darro ba’an ku haysato Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Safiirka waddanka Shiinaha u jooga Soomaaliya Mr. Qin Jian oo  Talaadadii shalay la hadlay Warbaahinta dalkiisa ayaa sheegay in xukuumadda Beijing ay ka go’antahay in ay taageerto jawaabaha banii’aadantinimo ee Soomaaliya,si loo caawiyo kuwa ugu nugul ee carruurta iyo haweenka u badan.

“waxaan rajaynayaa in UNICEF deeqdaan gaarsiiyo  dadka  tabaalysan,gaar ahaanna kuwa ku sugan degaannada fog-fog ee u baahan adeegyada naf-badbaadinta ,sida carruurta nafaqa-darrada la liita”,ayuu yiri Qin.

Wuxuu sheegay in lacagtaan dawo iyo cunto nafaqeysan  loogu iibin doono dadka aadka u nugul oo ay ku jiraan carruur gaaraysa 15 kun,kuwaasoo ay saamaysay abaartii dalka soo martay,islamarkaana ay haysato nafaqa-darro ba’an.

“Waxaan ku faraxsannahay in aan UNICEF la shaqeyno si loo hubiyo caawinta kuwa ugu nugul ee haweenka iyo carruurta. waxaan si wada jir ah u caawineynaa shacabka Soomaaliyeed ee maraya xilligaan adag” ayuu yiri Qin.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya ugu deeqday lacag gaaraysa $2 malyan oo Dollar, maxaa lagu qaban doonaa? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this