Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Yariisow Oo Sheegay In Al-shabaab Laga Diley Ku Dhowaad 100 Daglaayhanno

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa faah faahin dheeraad ah wuxuu ka bixiyey howlgal ay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Maraykanka ka sameeyeen Gobolka Baay.

Waxa uu sheegay wasiirka in duqeyn lala beegsaday xero tababar oo ay Al-shabaab ku lahayen deegaanka Buur Ceelcade oo hoostagta degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu diley ku dhowaad 100 dagaal yahan oo ka tirsan Al-shabaab.

“Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka kooxaha argagaxisada Al-Shabaab oo duqeyn xero tababar ee Buur Ceelcade ee degmada Diinsoor looga dilay 90 – 100” wasiir yariisoow ayaa sidaasi yiri.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Maraykanka ayaa xoojisay howlgallada lagu weerarayo Al-shabaab wixii ka dambeeyay qaraxii Zoobe ka dhacay 14-kii October 2017.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this