Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub: Sanbaloolshe oo tallaabo qaadaya kadib eedeyntii kiiska Qalbi-Dhagax

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Kadib markiiย ay soo baxdey warbixintii Guddiga aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya u xilsaarey kiiskii Qalbi-dhagax ayaa waxaa jira warar sheegaya in madaxda sare ee Hayโ€™ada fulinta dowlada wadahadal la bilaabeen taliyihii hore ee ciidamada Nabad Sugida Cabdulahi Maxamad Cali โ€œSanbaloosheโ€™. Wadahadlkaan ayaa xubnaha u sareeya Hayโ€™adaan kaga hortagyaan in Taliyihii hore ee NISA sidii uu jawaab uga bixin laheyn eedynta guddiga aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka u soo jeediyeen.

Guddiga loo xilsaarey iney goโ€™aan kasoo gaaraan dhiibista kiiska Qalbi-dhagax ayaa eeda dhacdadaan waxa ay dusha ka saareen Hayaโ€™adii Cabdulahi Maxamad Cali โ€˜ Sanbaloosheโ€™ madaxda uu ka ahaa kuwaasoo yiri, โ€œKaddib markaan aragnay dhammaan Dastuurradii ay Soomaaliya soo yeelatay taniyo xorriyaddii 1960-kii iyo shuruucda dalka ee ku aaddan arrinta isu-gudbinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha, Guddiga waxaa usoo baxday in dhiibista Cabdikariim Sheekh Muuse โ€œQalbi Dhagaxโ€ aan loo marin hab sharci ah, lagana talo-gelin Hayโ€™adaha Garsoorka, iyada oo ay isla markaasna maareysay Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka keliya, laguna saleeyay goโ€™aan ku dhisan xog aan sugneyn oo la siiyay Madaxda Qaranka.โ€

Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in Taliyihii hore ee NISA isu diyaarinayo dib uga mid noqoshada Golaha Barlamanka Federaalka Soomaaliya kaasoo iska casiley xilkaan markii loo magacaabey Hayโ€™adaan.

Xogtaan ayaa sheegeysa in Villa Soomaaliya u balan qaadey Taliyahii hore sidii ay ugala shaqeyn laheyd in markale dib loogu soo doorto xubinta Barlamanka Federaalka ama xilal kale loogu magacaabi lahaa.

Sanbalooshe oo cabsi ka qaba raadka sharciyan ku yeelan karto eeda dusha laga saarey hadii uusan jawaab ka bixin ayaa sida ay sheegeen sharci yaqaano, waxay saameyn ku yeelan kartaa kamid ahaanshihiisa Barlamanka Federaalka Soomaaliya halka qoyska Qalbi-dhagax dacwad ku soo oogi karaan.

Mucaaradka dolwada Federaalka ayaa sidoo kale tan iyo markii ay soo baxdey warbixintaan eedymo u jeedinayey madaxda sare ee Hayโ€™ada fulinta dowlada ( Madaxweynaha iyo Raโ€™isal wasaaraha) ku lug lahaanshahooda goโ€™aanka hayโ€™adda NISA ku dhiibtey Qalbi Dhagax halka dhinaca kale ku cadaadinayeen in Sanbalooshe jawaab ka biixyo sida uu wax u og yahay.

Taliyaha ciidamada NISA ayaa waxaa lagu magacaabaa wareegto Madaxweyne iyadoo shaqadiisu hoostimaado Raโ€™isal wasaaraha Soomaaliya. Barlamanada dowlada Federaalka ayaa iyagu nidaam ahaan wax lug ah ku lahyn ansaxinta madaxda hayโ€™adaha amniga.

Isha: GO

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this