Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixinta Kiiskii Qalbi-dhagax oo berri la horkeenayo Baarlamanka Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maalinta berri ah warbixin ka dhegaysan doona guddi loo saaray baaritanka kiiskii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo aha sarkaal ka tirsan Jabhadda ONLF,kaasoo xukuumadda Soomaaliya u gacan gelisay Ethiopia,kadibna muran xooggan ka dhashay dhiibitaankiisa.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo ka soo jeeda degaannada Puntland ayaa PUNTLAND POST u sheegay in ajendaha sabtida berri ah ee kulanka Golaha Shacabka uu ku saabsan yahay dhegaysiga warbixin ay soo diyaariyeen guddigii loo saaray arrinta Qalbi-dhagax,islamarkaana caawo xildhibaannada lagu war-geliyey in ay goor hore soo xaadiraan.

Guddiga loo xil saaray baaritaanka kiiski Cabdikariin Sheekh Muuse ayaa laba jeer oo hore wakhti kordhin loo sameeyey,kadib markii ay codsadeen in muddo ku filan la siiyo,si ay warbixin dhammaystiran u keenaan.

Xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya ayaa markii warbixinta loo akhriyo dood ka yeelanaya,waxaana si weyn dhegta loogu hayaa natiijada ka soo baxda baaritaanka arrintaan.

PUNTLAND POST

The post Warbixinta Kiiskii Qalbi-dhagax oo berri la horkeenayo Baarlamanka Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this