Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka amniga Qaranka oo soo saaray digniin culus oo ku socta shaqsiyaad gaara

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Isloow ”Ducaale”, ayaa ka hadlay amni darida ka jirta qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Wasiir Ducaale, ayaa sheegay in amni darada jirta ay ku lug leeyihiin shaqsiyaad faa’iido u arka dhibaatooyin ka dhaca magaalada Muqdisho.

Ducaale, ayaa sheegay in shaqsiyaadkaasi ay uga digayaan inay ku fogaadan faragalinta ay ku hayaan amniga, waxa uuna sidoo kale, tilmaamay inaysan aqbali doonin qalqal amni.

Waxa uu ballan ku qaaday inay talaabo ka qaadi doonaan dadka ku howlan ajaafeynta Hay’adaha amniga iyo dhammaan howlaha dowladu qabato.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in ay ka shaqeynayaan xasilinta degaanada laga saaro al-Shabaab ee gobolada dalka, si ay dowlada Federaalka gacanteeda ugu soo celiso deegaanada ka maqan.

Dowlada Federaalka ayaa wada qorsho ay uga hortageyso amni darida ka jirta dalka iyo Shaqsiyaadka u tafaxeeta fashilinta howlaha ay hayaan Hay’adaha amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this