Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Rabshadaha Doorashada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hal ruux ayaa geeriyooday lix kalena way dhaacwmay kaddib markii rabshado dhex maray dad shacab ah iyo ciidanka boolisku ay ka dhaceen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer – sida waxaa Goobjoog News u sheegay agaasimaha cisbitaalka Burco Cabdikariim Hayaan Muxumed.

Dad dhaawaca ah ayaa waxa ku jira laba askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland. Qofka geeriyooday ayuu sheegay agaasimuhu in uu dhaawac  dhintay halka lixda ruux ee dhaawaca ah laba kamid ah ay yihiin askar.

Xaaladda dadka dhaawacyada ah ayaa ah mid hadda ladan isla markaana waxa deggan guud ahaan xaaladda magaalada Burco – sida uu sheegay agaasime Cabdikariim Hayaan Muxumed

Rabshadaha ayaa dhacaya kadib markii doorashadii Isniintii la sheegay in lagu shubtay, Xisbiga Mucaaradka Waddani ayaa ka mid aha asxaabta sheegtay in aaney aqoonsan-doonin natiijo xaaraan ah iyaga oo sidoo kale joojiyay wada shaqeyntii kala dhaxeysay guddiga doorashada.

Shirkadda Imaaraadka laga leeyahaya ee daabacday warqadaha doorashada ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha la eedeeyay.

Wararka Doorashada Somaliland, Kala Soco, Goobjoog News

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this