Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: al-Shabaab oo lagala wareegay deegaan hoostaga Gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Cutub ka tirsan ciidamada Qalabka sida ee Somalia ayaa howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka bilaabay wadada isku xirta Degmadda Buurhakaba iyo Degaanka Deynuunaay oo ka tirsan Gobolka Baay.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa Sarakiisha Ciidamadu waxa ay sheegen in ay ku baadi goobayaan maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo koontorool ay dadka lacag uga qaadaan dhigtay sida ay hadalka u dhigeyn.

Maxamed Ibraahim Nuur, oo ah Guddoomiyaha Degmadda Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegay in mudada uu socday howlgalka ay Ciidamada Dowladda maleeshiyada Shabaab kala wareegen degaano hor leh oo ka tirsan Baay.

Wuxuu sheegay in ay dhexda u xirteen sidii ay ula dagaalami lahayeen Al-shabaab, shacabka ku nool degaanada Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah ee Shabaab.

howlgal-1.jpg?resize=696%2C464howlgal-2.jpg?resize=695%2C464howlgal-3.jpg?resize=694%2C463

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this