Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashooyinka Soomaliland oo ku Dhawaaqay Xiliga Lagu Dhawaaqayo Natiijada Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Doorashooyinka Soomaali-land ayaa Shaaciyey Waqtiga ay ku Dhawaaqayaan Natiijada Codadkii ay Shacabka Soomaali-land ku soo Dooranayeen Hogaanka Maamulka ee sanadaha Soo Socda.

Guddiga Doorashooyinka Soomaali-land ayaa Sheegay in ay Soo Afjareen Tirinta Coddadkii ay kala Heleen Xisbiyada Maamulka, balse ay dib u Dhigeen ku Dhawaaqida Natiijada, si ay u Xaliyaan Cabashooyin ka yimid Qaarka mid ah Xisbiyada Mucaaradka oo Sheegay in Xisbiga Talada haya ee Kulmiye uu Doorashada ku galay Dhamaan Awoodii Dowladda.

Afhayeenka Guddiga Siciid Cali Muuse ayaa Sheegay inay Natiijada si Rasmi ah ay ugu Dhawaaqi Doonaan 17-Bishaan oo ah maalin Jimco ah ka horna ay Dabagal iyo Hubin ay ku Sameynayaan Suurto-galnimada in Musuq-maasuq uu dhacay.

 

PUNTLAND POST

The post Guddiga Doorashooyinka Soomaliland oo ku Dhawaaqay Xiliga Lagu Dhawaaqayo Natiijada Doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this