Sign in to follow this  
Deeq A.

Caynte ayaa ku tilmaamay dawladda Soomaaliya geed qallalay oo caleentiisu daadanayso.

Recommended Posts

Deeq A.   

Image result for cabdiraxmaan caynte

 

Wasiirkii hore ee Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Caynte ayaa xukuumadda Soomaaliya ku tilmaamay sida geed qalllalay oo caleentiisu dhulka ku hoobanayso,kadib markii ay is-casileen labo Wasiir oo muhiim ah.

 

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in xukuumadda Soomaliya ay lamid tah geed bolol ah oo sii dhimanaya,islamarkaana aan nuxur iyo neecaw midna lahayn.

 

“Caleemaha geedku marka ay qallalaan(engagaan) way hoobtaan. Geedkii oo aan nuxur &neecaw toona laheyn ayaa bolola,ka hor intuusan dhiman,kaddibna qambobin. Kolkaas ayaa qashinkiisa la iska xaaqaan #Somalia“, ayuu yiri Cayne. Hadalka Caynte ayaa ku soo beegmay xilli ay maanta is-casishay Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed, iyadoo sheegtay in ay ku adkaatay duruufta shaqado ee Wasaaradda oo ay ku tilmaantay “mid isku-qasan oo is-barbaryaac ah”.

 

Wasiirkii Difaaca Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxmmed ayaa sidoo kale is-casilay 12 bishii hore ee October, kadib markii uu soo baxay fashil ku aaddan dagaalka xukuumadda Soomaaliya ee dalka looga saarayo Al-shabaab. Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayey shirkii madaxda Qaranka iyo maamul goboleedyada ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka adkaan waayeen Al-shabaab,islamarkaana raadinayaan qorshe kale. Cabdiraxmaan Caynte ayaa soo noqday Wasiirkii Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Xukuumaddii Xassan Sheekh Maxamuud.  Bishii June ee sannadkaan ayaa madaxweyne farmaajo u magacaabay safiirka  Soomaaliya ee dalka UK, inkastoo uu durbadiiba iska casilay.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this