Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg deg: Wasiir ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo is casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa goor dhow waxay iska casishay xilkaasi.

Wasiir Maryan ayaa   xaqiijisay iney xilkaasi iska casishay, waxaana ay sheegtay in daqiiqado kadib ay saxaafadda u faah faahin doonto sababaha ay xilkaasi uga tagtay.

Drs. Maryan Qaasim ayaa mudadii ay xilkaan haysay waxbadan soo qabatay.

Wasiir Maryan ayaa muddooyinkii danbe muran kala dhaxeeyay Ra’iisal wasaare Kheyre iyadoo shaqadii wasaaradeeda loo dhiibay guddiyo, isla markaana uu sii xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha.

Waxaa lagu wadaa inay saxaafadda faahfaahin ka siiso sababaha ay isu casishay, iyadoo ka mid ahayd xubnaha ugu dhow madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this