Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Milatariga oo afgambi kula wareegay Dalka Zimbabwe

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka  Zimbabwe oo Dhaca Qaarada Afrika ayaa Xalay ilaa iyo Saaka waxaa ka socdo Dhaq Dhaqaaqyo u muuqda in ay yihiin kuwo lagu Afgambinayo Madaxweynaha Dalkaasi  Robert Mugabe.

Ciidamo aad u hubeeysan ayaa Xiray Wadooyinka Soo gala Magaalada Hareera ee Casimada Dalkaasi Zimbabwe.

Ciidamada ayaa la wareegay Xarunta Tv-ga ee Dalka  ZBC iyaga oo sidoo kale la wareegay wadada gasha Xisbiga talada haya ee dalka Zimbabwe  ee la yiraahdo Zanu-PF iyaga oo ku xidhay Gawaari u badan Taangiyo.

Xaalada ayaa ah iminka mid kacsan iyada oo meelaha qaarna laga maqlayo Qaraxyo iyo rasaas sida ay sheegayaan Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta.

Madaxweyne Mugabe ayaa wajahaya xiisado Siyaasadeed waxaana arintaasi ka dambeeysay kadib markii ay soo baxday warar sheegaya in Mugabe uu doonayo in talada dalka uu ku wareejiyo Xaaskiisa taasi oo ay ka biyo diideen Xisbiyada dalkaasi.

Robert Mugabe oo ah hadda 93-Sano Jir ayaa Muddo 30 sano ah haya xilka Madaxweynaha Dalkaasi isaga oo qabtay 1987.

Wadamada qaarada Afrika ayaa waxaa ku badan Afgambiga talada looga tuuro Madaxweynaha dalalka Afrika .

Wixii ku soo kordha xaalada Zimbabwe kala soco Puntland Post Insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post Ciidamada Milatariga oo afgambi kula wareegay Dalka Zimbabwe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this