Sign in to follow this  
Deeq A.

Imisa maleeshiyaad ayaa lagu dilay Duqeyntii Xalay ka dhacday Gobolka Shabellaha Hoose (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa duqeymo cirka ah oo xalay ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la xaqiijiyay in lala bartilmaameystay Saldhig ay ku sugnaayen Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab kuwaa oo horay uga baxsaday duqeyntii ka dhacday deegaanka Basra.

Duqeynta ayaa waxaa fuliyay diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones-ka oo uu leeyahay Mareykanka.

Laba gantaal ayaa la sheegay in lagu dhuftay Saldhiga ay maleeshiyada ku leeyihiin deegaanka Yaaq-bariweyne, waxaana xiligaa ku sugnaa Saraakiil caan ahaa oo ka tirsan argagixisada Somalia ee al-Shabaab.

Duqeynta ayaa waxaa lagu dilay ilaa 6 maleeshiyo oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa saldhiga lagu duqeeyay.

Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo si dhow ula shaqeeya Ciidamada Mareykanka ka jooga Somalia, ayaa sheegay in Duqeynta ay ka dhacday bar Kontarool oo Al-shabaab ku lahayeen Degaanka Yaaq-bari Weyne.

Dhinaca kale, Dowlada Mareykanka ayaa kordhisay duqeymaha ay ku fuliyaan Drones-ka ee lala beegsado Saldhigayada Shabaab ee Gobolada dalka ay ku leeyihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this