Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Magacyada Raggii ka danbeeyay Qaraxii Zoobe & Sawiradooda oo la shaaciyay (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’adaha amniga dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa muddo bil kadib soo bandhigay magacyada iyo Sawirada ragga loo hayo Qaraxii 14-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Hay’adaha amniga oo weli baaritaan ku haya ragaasi ayaa sheegay in qaarkood ay yihiin qiraal, halka qaarna ay weli ku dhiman yihiin macluumaadka laga doonaayo.

C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo ah Wasiirka Warfaahinta Xukuumadda Federaalka Somalia, oo arrinta Qaraxa ka hadlay ayaa sheegay in tirada ragga loo hayo Qaraxa ay yihiin 5 dhalinyaro oo falka qirtay.

Waxa uu Wasiirku sheegay in ragga lasoo bandhigay sawirkooda uu kamid yahay dhagar qabihii isku Qarxiyay isgoyska Zoobe ee kaxeynayay Gaarigii TM-ka ahaa.

RAGGA LOO QABTAY QARAXA ZOOBE EE LASOO BANDHIGAY AYAA KALA AH:

1-Mukhtaar Maxamuud Xasan oo ku magacdheer (Gardhuub)

2-Cabdiwali Axmed Diiriye (C/qani) oo ahaa Madaxa Qaraxyada Gobolka Banaadir, waxa uuna ka hoos shaqeyn jiray Gardhuub.

3-Xasan Aadan Isaaq oo ahaa Darawalkii Gaariga NOAH-da, ahaana isku xirihii weerarkii Zoobe, inta uusan wareejin NOAH-da ayaa la qabtay.

4-Cali Yuusuf Waceys (Ducaale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyay inuu NOAH-da isku Qarxiyo.

5-C/laahi Cabdi Warsame, iyada oo ugu dambeyn Darawalkii ka xeynayay Gaarigii TM-ka ahaa ee Zoobe ku Qarxay lagu magacaabi jiray Maadey (Cusmaan Xaaji).

Shabaab-1.jpg?resize=696%2C696Shabaab-2.jpg?resize=696%2C656Shabaab-3.jpg?resize=696%2C749Shabaab-4.jpg?resize=696%2C787Shabaab-5.jpg?resize=696%2C700Shabaab-6.jpg?resize=696%2C867

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this