Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma dowladeenaa dad lahayn mise dabin bay ku jirtaa?

Recommended Posts

Deeq A.   
Dalkastaba dadka ayaa difaaca kuna dadaala midnimada, mana jirto inta la og yahay dal ay wanaagiisa ka shaqeeyeen dad aan u dhalan, cilmiga waxaa uu aadamiga ku kordhiyaa waaya aragnimada iyo tusaalaynta Horumarka aadamiga mid bulsho iyo mid dhaqan dhaqaale oo isku xiran waxaana dhisa rag u istaagay inay joojiyaan oo taagaan habdhiska qaran iyo qurxinta deegaan ee kaabayaasha ummadda inta ugu badan ku nooshahay.
Isku keenista ummadda iyo barista wadciga deegaanka siyaasi iyo dabeecadda ku dhisan iskaashiya qaaliga ah ee ummadda ka dhaxeeya, kuma yimaado kala daadsanaan iyo dood, wuxuu ku dhisan yahay is maqan iyo daganaan walaalnimo laysu dhaga nuglaado, kaasoo micnahaan keeni kara habka ugu sahlan ee ummad loo dhisi karo.
Dhismaha ummadda iyo isu keenisteedu maaha wax ka wada dhaxayn karay qof illaa qof kale ee waa sida in madaxdu u dhagaysato ummadda una fahamto halkay u jeedo ayna ku mideysan yihiin inta badan, ayadoo aan laga horkeenin maquunin is hortaagta rabitaanka iyo khalalaase galinta himilada ummadda deegaanka ku wada nool.
Masuulka dowladeed ee u taagan noolaynta ummadda iyo isu keenista hadba dabeecadda kala duwan ee aadamiga midba illaahay siiyey, waa waxa laga doonayo masuulka hogaanka u haya ummadda, asagoo ka illaalinaya dhamaan waxa halis galin kara dadka iyo deegaanka noockasta oo ay yihiin.
Waxaan rabaa inaan qormadan ku bidhaamiyo asbaabaha diiday in dalka Soomaaliya ka dhaqan gali weysay dowlad iyo dadkeeda isku meel u jeedo, ama ugu yaraan loo hakad galiyo horusocodka himilada shacabka iyo dowladda, iyo aragtada muuqata ee doonaysa inay kala reebto, taasoo aan la garanayn asalka meeshay ka soo jeedo, haddana si la taaban karo isu hortaagta dhaqdhaqaaqa lagu doonayo saldhiga deganaanta dalka iyo xasilinta dowladnimada amaba qaranka.
Bal aan ka saarno dhacdooyinka muuqanaya sida:-
1- markuu madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud hogaanka dalka qabtay waxaa uu abuuray olol loogu magac daray, ololaha BADWEYNTA HINDIYA oo gundhigiisu ahaa in ciidanka qalabka sida ee dalka soomaaliyeed iyo Huwanka Africaanka u badan ee la jooga, mar qura ay dagaalo xoogan la galaan Alshabaab.
markiiba dowladdu waxay isku aadisay dagaalo saf mareen ah oo ka bolowda gobolada dhexe, illaa jubooyinka, Baay iyo Bakool, Howl galadaasi dhamaan waxay u socdeen si xowli ah aad u sareeya waxaana laga keenay Guulo wanaagsan, waxayna dowladda ku socotay hanaanka horaynta dalka, iyo soo celinta dowlad haybad ciidan iyo deegaan haysata, oo muddooyinka soosocday loo haystay in Ajaaniibta dalka laga saari doono, dalkuna ay qabsan doonaan Ciidanka xooga ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka intuba.
Sharafta iyo haybadda Ummadda Soomaaliyeed soo celinteeda furaha isku dayga ee ugu horeeyey ayuu ahaa, markaa la eego halbeega mowjadda howlgalada markaasi billowga ahaa ee dalka ka dhaqan galay.
laakiin waa su’aale ayaa Joojiyey dagaaladaas, maxaase dib logu billaabi waayey?
Tani waa daraasadayda iyo qaabka aan u qiimeeyey fashilka himilada ummadda iyo dhismaha qaranka, kaasoo lagu qasban yahay in maalin uun hamigaasi hirgali doono, sidaas darteed, waxaan doonayaa inaan sheeko idinkaga sheekeeyo, ama idiin xusuusiyo arimo aynaan is weydiin, markay dhamaadeen kadib:-
A- markay howlgalado socdeen meelaha ugu muhiimsan waxay ahaayeen gobolka Hiiraan iyo shabeelada Hoose oo dagaalada ugu qaraar ka socdeen ee Howlagalada ciidamada is garabsanayey ka billaabeen, waxayna ku dhawaatay in Jubbooyinka illaa Shabeelada Hoose laysku daro, dhanka hiiraan illaa Shabeelada dhexe lays gaarsiiyo, howshuna ay meel fiican marayso, ayaa labada Gobolba laga Billaabay DAGAAL BEELEED qabaa’illaad isku haystaan si loo mashquuliyo aragtidii ahayd horusocodka guulsha ciidanka, waxayna keentay in Ciidamadu ku mashquulaan ka joojinta collaadda qabaa’illaadka haba ugu darnaadeen kuwa Shabeeladda Hoose oo in badan soo noqnoqday.
waxaase ka darnaa markii in badan la xaliyey howlgalkiina istaagi waayey ee Buula Barde iyo Baraawe howshu marayso, in si dhab ah markaas loo dhex galay ciidanka iyo dowladduba, waxaa ugu horayntii tagay Magaalada Muqdishu Madaxa la dagaalka argagixisada Ciidamada Maraykanka oo kula la qaatay Taliya Ciidaka Xooga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Indha Qarshe, waxayna ka wada hadleen in Maraykanku ka caawinayo ladagaalnka Shabaab, taasoo keentay in Godane ku dhintay, dilka Gudane ka dibna dhamaan howl galkii gabi ahaan la joojiyey, halkaasina ay ku dhamaatay kuna dhicisowday arintii Himilada wanaagsan u lahayd ummadda soomaaliyeed.
B- Iska horkeenista Madaxda dowladda dhamaan si ay u suurtoobi weyso dhaqan galinta horumarkii lagu balamay ee ahaa in shabaab laga Ciribtiri doono dhamaan deegaanka Soomaaliyeed meelkasta oo uu ku yaalo. Isqab qabsiga madaxda dowladda wuxuu ugu dambayntii ku dambeeyey in maalinba intii horay loo qabsaday loo gacan galiyo raggii laga saaray meesha oo aad moodaysay in lagu balansanaa. Micnaha ula jeedka dhaqanka noocaasi ah waa jahawareerinta cilmiyeysan ee ku dhisan hanaanka fog ee ummadda iyo dalkaba loo dajiyey.
Shabaab waan dhalin yaro ubadan Soomaali waalidkoodna la garan karo haddii loo tafa xaydo, suurta galna ka dhigi karta in noockastoo dhaqan soomaaliyeed ah lagu soo xera galin karo, waxayna u badan yihiin dhalin yaro aan aqoon badan diin iyo Maadiba lahayn, laga yaabo inay ku qasabtay dhaqaalo xumo, iyo waxyaabo ay ka dhaxleen dhibaatooyinkii dalka ka dhacay muddo aad u dheer.
Anigoo cidna u cudu daarayn doonayana inaan dul dhigo meeshay dhibto ka tagan tahay ayaan jeclahay inaan taabto boogta runta ah ee aan isleeyahay waa dhici kartaa, ama qofkastaba garaadkiisa siinayo inay sax noqon karto. Alshabaab maahan Saynisyano Cabqariyiin ah oo aad u yaqaana noockasta oo dowlad ku shaqeyn karto, waxayna u badan yihiin wiilal dhalin yaro ah, oo markay ugu badnaadaan Sirdoonkoodu gaari karo uun in ay shacabka dhexdiisa ku yeeshaan dhalin yaro, u daacad ah, amaba Cabsi iyo Hanjabaad inta loo jeediyey bixiya Macluumaadka sirta dowladda ama deegaanka.
haddaan qaadano aragtida noocaas ah, waxaan is weydiiyey maxaa loo dhexgali waayey dhamaan laamaha kala duwan ee sirdoonka dalka ka dhex shaqeeya, maxayse u noqon waayeen kuwa ka soo dhex warama Ciidamada ajaaniibta ah iyo xerada ugu weyn ee isugu yimaadeen  reer qaswadayaasha XALANE, waxaad ka fekertaa sababta xeryaha waaweyn ee xalane ku dhex yaala loo beegsan waayey ee shacab loo beegsado, amaba si kooban u dhigo, maxa u sabab ah in shabaab Kaliya qaraxyada la beegsato ciidamada Dowlada ee Soomaalida ah.
Ma is oran lahayd in Caasimadda labaad ee ku dhex taalo Mogadishu aysan ka dhex shaqeyn dhalin yaro soomaaliyeed oo aysan suurta gal ahayn inay ka nadiif yihiin shabaab, hadday kula saxan tahay, maxaa loo heli waayey kuwa noocaas ah oo la shaqeeya dowladda oo u daacad ah sida kuwaasi xalane ka shaqeeya oo kale aamin u noqda.
waxaa laga yaabaa inuu qofkastaba i tuso arimo uu isleeyahay xoogaa waa suurta gal inay dhacdo, in rag soomaali ahay kuwaasina daacad u noqon karaan kuwaanina ay shabaab soo dhex gali kart, haddana waxaa loo baahan yahay sabab macquul ah.
La soco Qormada Xigta oo aan ku qaadaa dhihi doono Qaraxyada iyo cilmi ahaan waxay ku kala duwanaan karaan ayadoo laga tusaale qaadanayo dhacdooyinka aan u soo joogtnay.
Illaa baa Mahad oo dhan u sugnaatay
W/Q: Ibrahim Abdi
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this