Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta Doorashada Maamulka Somaliland & Sida uu Muuse Biixi Ku Soo Baxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta WidhWidh Online ayaa sida joogta hada daba gal xoogan ku samaysay doorashada maamulka Somaliland, waxaana la xidhay dhamaan xogaha dhinaca doorashada  siiba internet dhinaca social Media sida Facebook iyo waxii la midka ah. Sida aan ka helay warbixinta serverka doorashada maamulka Somaliland iyo tirkoobka ayaa waxaa soo baxay in Madaxweynaha maamulka Somaliland uu noqday Muuse Biixi Cabdi oo isagu hogaaminayay Xisbiga Kulmiye ee hada talada maamulkaas haya. Guud ahaan shacabku waxa uu sugayaa waa warbixinta ay hada WidhWidh Online idin siinayso oo ah in codka doorashada uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi isaga si cad u helay cod aad u tiro badan oo aan la filayn.

 

Hargaysa: Kul – 125330 Wad – 61039  Ucid – 18707
Togdheer: Kul – 57173 Wad – 57119 Ucid – 1228
Awdal: Kul- 35532 Wad – 38194 Ucid- 491
Saaxil:  Kul- 29,235 Waddani- 14789 Ucid-612
Sool: Kul-19890 Wad-14926 Ucid- 349
Sanaag: Kul-19,291 Wad-17,538 Ucid-446
 
Total 
285,930 Kulmiye 206,533 Waddani 21,730 Ucid
 

Guddiga doorashada Somaliland oo goor sii horeysay sheegey in natiijada kama dameysta ah lagu dhawaaqi doono maalinta Khamiista iyadoo inta ka horeysa hubinaya cabashooyinka xisbiyada soo gudbinayaan. Goob joogayaal ka socda wadamada Shisheeye iyo hay’adaha maxali ah ayaa shir jaraa’id ay hargeysa ku qabteen kun sheegey in doorashada maamulka Somaliland guud ahaan si wanaagsan u dhacdey ay nabadi ku jirto iyadoo ay jiraan shilal kooban iyo cabashooyin sheegaya in goobaha qaarkoo dad aan qaan gaar aheyn ka codeeyeen balse aysan jirin sharci jabin baahsan.

 

La soco Warbaahinta WidhWidh Online Xog sida markasta shacabka Soomaliyeed u Soo Gudbinaya

 

widhwidh.com

  • I am confused - I don't get what you mean!! 2

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this