Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xaqiiqda Naftii haligihii fuliyay Ismiidaamintii maanta ka dhacay duleedka Muqdisho & Dhagarta fashilantay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa soo bandhigay burburkii ka dhashay Qarax gaari oo maanta ka dhacay duleedka magalada Muqdisho.

Gaariga ismiidaaminta oo uu la socday Hal ruux oo naftii halige ah ayaa waxa uu taargeedkiisu ahaa Kolonyo gaadiid ay la socdeen AMISOM kuwaa oo xiligaa ka yimid dhanka Xerada ciidamada Balidoogle ee Gobolka Shabellaha hoose.

Kolonyadan ayaa kusoo jeeday maaalada Muqdisho, balse waxaa dhagartaasi ku fashilmay maleeshiyada Al-shabaab oo iyagu ka dib dhacday wakhtiga.

Gaariga oo 30 daqiiqo ka hor inta uusan Qarxin soo galay qadka ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu kusii nastay meel aan ka fogeyn goobta uu ku Qarxay, waxa uuna qorshuhu ahaa inuu dhexda u galo Gaadiidka AMISOM, hase ahaatee waxa uu ku Qarxay meel fagaaro ah.

Naftii haligaha Ismiidaamiyay ayaa la xaqiijiyay in da’diisa ay u dhexeysay 25 ilaa 35 Sano, kaa oo asal ahaan kasoo jeeda Gobolka Shabellaha Hoose.

Maleeshiyada Alshabaab oo ka faa’iideysata dhiiga dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegatay in Qaraxa ay ku waxyeeleeyen Saraakiil iyo Gaadiid dagaal, kuwaa oo ay ku jireen kuwa Mareykanka, hase ahaatee gaariga oo ay dultageen Saraakiisha amaanka ayaa ahaa mid ku Qarxay meel banaan, taa oo meesha ka saareysa sheegashada Alshabaab.

Sidoo kale, Khasaaraha dhismasho ee Qaraxa ayaa ahaa mid ku ekaa Naftii haligaha oo isaga goobta lagu arkay keliya Hilbihiisa.

Gaadiidka ciidamada Amisom ayaa waxa ay maraan wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha hoose.

Dowladda Somaliya ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab, inkastoo illaa hadda dowladda horumar badan aysan ka sameyn dagaalka Shabaab.

Qarax-1.jpg?resize=533%2C960Qarax-2.jpg?resize=540%2C960qs.jpg?resize=533%2C960

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this